Hargeysa (CodkaHargeysa)- Shirweynaha Afgarad 3 ee Beelaha Arab oo muddo saddex maalmood ah ka socday degmada Baligudbadle ee gobolka Hawd, ayaa shalay la soo gebo-gabeeyey, waxaana laga soo saaray todobo qodob oo ku qotomo ujeeddooyinkii shirka loo qabtay.
Munaasibadda lagu soo gunaanadayey Shirka Afgarad 3 oo lagu soo marti qaaday Madax dhaqmeedka Beelaha Somaliland qaarkood, wasiirro xukuumadda ka tirsan iyo Marti sharaf kale, ayaa laga jeediyey khudbado dar-daaran, guubaabo iyo talooyin xambaarsanaa, waxaana ugu horeyn halkaas hadal dar-daaran ah ka jeediyey Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed, wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland.
Waxa halkaas ka hadlay madax-dhaqameed ay ka mid yihiin Sudlaan Bare Xaaji Xuseen oo ugu horeyn soo dhaweeyey una mahadceliyey Salaadiinta kala duwan ee ka qayb gashay shirkan Afgarad 3, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Cabdilaahi Sul.Cali, Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi, Suldaan Cismaan Suldaan Cali, Suldaan Axmed Daahir, Suldaan Cabdilaahi Cabdi Koor, kuwaas oo dhammaantood madasha ka jeediyey khudbado dhinaca dhaqanka ku aroora.
Shirweynaha Afgarad 3 ee Beelaha Arab uga socday degmada Balig-gubadle, waxa laga soo saaray todoba qodob, kuwaas oo madasha laga akhriyey, waxaanay kala yihiin:
1- In jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay Lama taabtaan
2- In Beelaha Arab ay Kula noolaadaan hab nabad galyo Beelaha ay Ood wadaagta yihiin.
3- In Beelaha Arab ay nabad galyada ilaaliyaan meel kasta oo Beeshu degto.
4- In Beelaha Arab ay tix geliyaan is dhex galka Bulshada iyo wada noolaanshaha guud.
5- In Gudida Guud ee Shirkii Beelaha Arab lagu magacaabay oo ah Gudi horumarineed ay ahaan doonto mid la shaqaysa Madax dhaqameedka iyo Xubnaha Dawlada kaga jira.
6- In xidhiidh joogto ah Beelaha Arab ka yeeshaan xaaladaha ka jira deegaamada ay Beelaha Arab degaan.
7- Waxa Shirweynaha Beealaha Arab go’aamiyey in waddada Hargeysa ilaa Baligubadle sida ugu dhakhsaha badan loo dhamaystiro.
CODKAHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYSA.COM