Stockholm (CodkaHargeysa)- Shir ay soo qaban qaabisay wasaarada arimaha dibada Sweden iyada oo lakaashanaysa Haayada Cilmi Baadhista Soomaaliyed AFN Consulting ee Fadhigeedu yahay Stockholm Ayaa maanta lagu qabtay xarunta World Trade Center ee magaalada Stockholm ee Dalka Sweden.
Shirka waxaa ka soo qayb galay ganacsato ka kala soctay Somaliya iyo Sweden, wasiirka ganacsiga ee Sweden Dr. Ewa Björling iyo wasiir qorsheenta Soomaaliya Hon. Saciid Cabdullahi Daani.
Ugu horeyn waxaa shirka ka hadashay oo daah furtay Wasiirka Ganacsiga Sweden Dr. Ewa Björling oo kalmad soo dhaween ah u jeedisay dadkiii shirka ka soo qayb galay. Dr. Ewa ayaa sheegtay in dowlada Sweden ay dooneeyso in ay gacan ka geesato sidi loo hor marin lahaa ganacsiga gaarka ah ee Soomaaliya si uu ganacsigaas u abuuro shaqooyin. Dr Ewa ayaa sheegtay in shaqo la’aan baahsan ay ka jirto Soomaaliya taas oo hor seedo in dadka shaqo la’aanta ah ay ka faaiideestaan kooxaha dagalka ka wada Soomaaliya.
Dr. Ewa ayaa sidoo kale sheegtay in Soomaalida ay aad ugu fiicanyihiin, laguna yaqaano ganacsiga, waxay tusaale u soo qaadatay Isgaarsiinta Soomaaliya ee sanadihi la soo dhaafay horumarka sameesay.
Dr. Ewa ayaa sheegtay in ay daneenyanaan sidi qurba joogta Soomaaliyeed ee ku nool Sweden ay maalgashi ugu sameen lahaayeen Dalkoodii hooyo ee Soomaaliya,Waxaa kale oo ay rajo ka muujisay ganacsi dhax mara Sweden iyo Somaaliya. Dr. Ewa ayaa hadalkeda ku dartay in Soomaaliya ay soo kabaneeso sanado badan oo dagaal ah ka dib.
Intaas ka dib waxaa hadalka lagu soo dhaweeyay Wasiirka qorshaynta Qaranka Soomaaliya Mudane Saciid Daani oo halkaa qudbad ka jeediyay. Saciid Daani ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu shirkaas ka soo qayb galo waxuuna u mahadceliyay dowlada Sweden qaban qaabadi ay shirkaas soo qaban qaabisay iyo kaalmada ay la garab taagantahay Soomaaliya. Saciid Daani ayaa sidoo ku aamaney haayada cilmi baadhista AFN Consulting sida ay u soo bandhigtay fursadaha sidoo kalena sheegay In Soomaaliya sanado badan oo mugdi ah ay hadda soo kabaneeso ka dib markii laga adkaaday kooxda Alshabaab siduu sheegay. Saciid ayaa ku dheeraaday in Soomaaliya fursado ganacsi oo laga faaiideesan karo ay jiraan.
Intaas ka dib waxaa hadalka lagu soo dhaweeyay Eng: Axmed Obsiiyo oo ah madaxa haayada cilmi baadhista AFN Consulting oo halkaas ka soo jeediyay daraasad la xadhiidha fursadaha ganacsi ee ka jira Soomaaliya iyo Sida ay qurbo joogta Sweden maalgashi ugu sameyn lahaayeen Soomaaliya.
Eng Ahmed Obsiiya ayaa ku dheeraaday fursadaha maalgashi iyo kaalinta ay ka qaadan karaan soomaaliya shirkadaha dalka sweden kuwaasoo muujiyay dareen rabitaan.
Kadib waxaa loo gudbay doodo iyo fikir is dhaafi oo is dhafsanayeen dadka shrikka ka soo qaybgalay waxaa doodaha aad uga dhax muuqday ganacaso Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiiin Cabdirishiid Ducaale oo Dahabshiil ka socday, Cabdirishiid Cali Jimcaale oo ka socday Salaama Bank, Hassan Yuusuf oo ka socday International bank of Somali, sidoo kale Dr. Dalmar oo jaamcada Banaadir ka socday. Waxaa doodaha ka qayb qaadanayay masuuliyan ka kala soday maamulaada Jubba iyo Puntland oo aan ayaga qudbad rasmi ah la siinin balse fikrad isdhaafsashada iyo doodaha qayb ka ahaa.
Shirkan oo lagu marti qaaday dawlada Somaliland ayey Dawlada Somaliland qaadacday ka dib markii Xisbiga Mucaaridka ah ee Caddaalada iyo daryeelka UCID u ka digay toojna ku ifiyey ka qayb galka shirkaas oo ahaa mid aan munaasib ku ahayn qarannimada Somaliland.
Faisal Cadami
Stockholm Sweden.