Hargeysa (CodkaHargeysa)- Dagaal gacan-ka-hadal ah, ayaa maanta ku dhex-maray Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa Odayaal Dhaqan oo ku guda-jiray Shir Jaraa’id oo ay ku taageerayeen Musharraxnimada Madaxweynah Somaliland Axmed-Siilaanyo ee shanta sano ee soo socda iyo koox ka soo horjeedday oo sheegay inay ka dhiidhiyeen Barnaamijka Weji-ku-macaashka loo yaqaanno oo hadba mawduuca ay Xukuumaddu wadato taageero loogu raadiyo oo ay xuseen in Xukuumadda Siilaanyo caado ka dhigatay oo ay tilmaameen in dadka lagu kala-fogeynayo.
Odayaasha taageerayey Musharraxnimada Madaxweyne Siilaanyo ee Madaxweyne-nimada shanta sano ee soo socda ee uu dhawaan shaaciyey, ayaa isugu jiray Salaaddiin iyo Cuqaal ka soo jeeda Beesha Subeer-awal, hase-yeeshee, Koox dhalinyaro u badan oo iyaguna isla Beeshaas ka soo jeeda, ayaa galalafay Shirka Jaraa’id ee ay Siilaanyo ku taageerayeen oo ay Xukuumaddu dabada ka wadday, isla markaana kharash ku bixinaysay, ka dib markii ay Kooxdaasi ugu galeen Huteelka Maansoor ee ay u sheegeen inay joojiyaan Shirka Jaraa’id ee ay qabteen oo markaas socday, waxaana markaas ka dib bilaabmay in dagaal gacan-ka-hadal ahi dhex-maro qaar ka tirsan Odayaasha Shirka qabanayey iyo Dhalinyarada ka soo horjeedday, hadalka ay is-dhaafsadeen ka dib.
Lama sheegin khasaare la-taaban karo oo ka dhashay dagaalkaas gacan-ka-hadalka ahaa ee Kooxda dhalinyarada u badani ku qaadeen Odayaasha qabtay Shirka Jaraa’id ee ay Madaxweynaha ku taageerayeen, marka laga tabo buhabuhaynta xubnihii gacanta isla gaadhay kala gaadhay.
Guddiga dhexdhexaadinta Khilaakii KULMIYE isu xilsaaray ee ka socday Golaha Guurtida, ayaa toddobaadkan soo saaray go’aanno lagu soo af-jaray Khilaafkaas u dhexeeyey labada Garab ee Xisbiga talada haya ee KULMIYE u qaybsamay oo ay kala hoggaaminayeen Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo iyo Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi, kuwaasoo qodobbada ay soo saareen qaarkood dhigayeen inaan wax olole ah iyo abaabul taageero aan cid KULMIYE ka tirsani samayn karin illaa la gaadho wakhti doorasho oo la fasaxo ololaha iyo taageero-raadinta Musharrixiinta iyo Xisbiyada siyaasadda ee Somaliland.
Inkasta oo ay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Guddoomiye Muuse Biixi-ba sheegeen inay aqbaleen go’aannadaas oo ay sidooda u qaateen, haddana waxaa weli muuqda inaanay dhinacyadu dabiqin ku dhaqanka qodobkaas, waxaana magaalo kasta ka socda Barnaamijka Weji-ku-macaashka la baxay oo ay Xukuumaddu waddo, waxaana si baaxad leh loo dareemayaa dhaqdhaqaaqyada ay Xukuumaddu ku abaabulayso Odayaasha iyo Beelaha si ay u taageeraan Musharraxnimada Madaxweyne Siilaanyo ku sheegay inuu u taagan yahay tartanka doorashada shanta sano ee soo socda marka uu sannadka dambe dhammaysto shantii hore ee la doortay. Dhinaca Muuse laftiisu kama madhna, balse waxa uu noqonayaa boqolkiiba hal marka la barbar-dhigo geesta Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa.
Waxa taas caddayn karta TV-ga iyo Idaacadda dawladdu Maamusho haddaad daawato ama dhegaysato waxaad ku arkaysaa ama ku maqlaysaa tobanka war ee ka baxa-ba inay siddeed ama toddoba amaba in kala badh ka badan wararka ka baxaa ay yihiin ‘Beel heblaayo iyo gobol hebel oo taageero u muujiyey musharraxnimada Madaxweynaha ee shanta dambe, sidaa awgeedna waxa muuqanaysa inaan loo hoggaansamin ama lagu dhaqmin qodobkaas meesha ka saarayey wax astaan olole muujinaya inay sameeyaan dhinacyada KULMIYE ee la isu soo dhawaynayay.
Waa markii ugu horreysay ee tallaabadan gacan-ka-hadalka ah ay iskaga horyimaaddaan koox taageersan Musharraxnimada Madaxweyne Siilaanyo ee shanta sano ee soo socda iyo Koox ka soo horjeedda amaba diiddan taageerada ay Odayaasha ay Magaca Beesha wadaagaan u muujinayeen Madaxweynaha talada haya.
CODKAHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYSA.COM