Burburkii Kulmiye Badheedhkii Siilaanyo Badbaadadii Qaranka Ee Muj. Muse & Xaaji Cabdi!!

0
419

Ayaan darada Somaliland haysata waxa weeye Xaqa oo la arkayo ayaa Xaq daro Xalweeye Duco Qaado lagu duudsiyaa nin raga wax uu xaq u leeyahay. Gar Eexo ayaa la xukumaa; Qaranka Somaliland ayaan u tudheynaa, ee aqbal xaqdarada aad tirsanayso, badbaado qaran ku illoow Duca Qabe lagu odhan. Tii shalay adoo layaaban ayaa mid kadaran, hadana laga daba keenii.

Waxa hubaala, inta aan ku jiro “Xaq Maaha Xul Maaha Ee Waa Xal” in wax inoo hagaagayaa jirin. Somaliland maaha beed, jabaysa hadii Xaqa lagu adimo. Somaliland maalintii nin shaqsiya dantiisa looga baqayey wey dhaaftey. Cadaalada oo loo hiiliyo ayaan ku heli karaa Naxariista Illaaha Weyn Ee Waaxidka ah iyo Sumcad Caalamku inagu amaano. Waxa hubaal ah in hadii laga waantoobi waayo wax yaabaha ay uugu horeyso Gar Eexo, Cadaalad Daro, Kibir (Anaa Rabikumul Aclaa Fircooniya kii Yimaaaaba uu ku talaabsado), in meel dheer laga eegi, hadii Somaliland siday ku socoto wax laga bedeliwaayo. Taasna ay Aakhirka inoo horseedi karto Burbur ka yimaada wixii shalay laga dagaalamay hala aqbalo Nabad Gelyadaa ku jirtee.

Hadii aan hoos ugu dhaadhaco micnaha ka danbeeya qormadan oo aad ka dhadhansan kartaan cinwaanka in ay daba socoto go’aan ku sheegii Saleebaan Gaal Waadh Jiif ka loogala soo ordey dhakhtarkii Ingiriiska ee aanu kaba bixin illaa intii Siilaanyo xilka qabtey, oo sida aan qabo marmarsiiyo u ah go’aankii Shirkii Gar’adag Saleebaan Gaal lagaga saxeexay in uu Siilaanyo sax iyo khalad uugu hiiliyo labadaba, laga bilaabo shirkii Gar’adag, illaa maanta oo uu hantiyey Kursigii uu ciilka dartiis uugu dhiman gaadhey Siilaanyo maalintii uu waayey.

Go’aankaas oo ahaa mid ku yimid go’aan reer, laakiinse aan ku imaanin Gar iyo Xaq midna. Idinkaan idiin dhiibee hoosaasintii Saleebaan ee Guurti Baan u saaray xalinta Khilaafka Kulmiye, ee lagaga faa’iideystay magacaabista Golihii Dhexe iyo Golihii Fulinta ee Kulmiye, iyada oo ay socoto waan waan ku sheegtii Saleebaan Gaal, oo ay sharciyeeyeen Go’aamadii ka soo baxay, Qodobka ugu horeeya ee odhanaya waxaan go’aansanay in Gudidii intii aan ku jirey dhexdhexaadinta (hoosaasinta khiyaanada xanbaarsan) Siilaanyo magacoowdey in sideeda loo daayo (lana daba dhigey gurigii Siilaanyo sii sharaxdey intii aan ku jirey hoosaasintii Saleebaan uugu yeedhey dhexdhexaadinta, waa lagula tartami karaa Siilaanyo). Markii la eegey Gudidii Wakhtigoodi Dhamaadey ee Diiwaan Gelin Ku Sheegta, oo uu hogaaminayey iyana nin ay Siilaanyo isku reer yihiin, waxuu Saleebaan Go’aansadey in Siilaanyo Gudi Ku sheegaa uu magacoowdey in sideeda loo daayo. Garta kuu shaanbadeynaysa dhexdhexaadin ku sheegtii oo socota, wixii aad fushatey waa sharci, idinkaan idiin dhiibey reer Somaliland Magac U Bixiya?

Shaqada Gudi Dhexdhexaadin Ku Sheegtii uu horkacayey Saleebaan, waxa ay shaqadoodu aheyd, in inta ka horeysa wada hadal, ay LABA QODOB oo kaliya ka soo dhameeyaan dhan ka xukuumada:

1. In Xisbiga & Xukuumada la kala saaro, qolo kastaana maamulkeeda u madaxbanaanaato.

2. In Cid Kasta Oo Loo Xidhxidhay Xisbigaad Taageerteen Iyo Gudoomiyaha ama Madaxda Xisbigaad taageerteen in Xoriyadoodii loo soo celiyo.

Kadib marka labadaa qodob laga heshiiyo ayaa loo gudbayaa wixii xal xisbiga dhexdiisa loo arko macquul iyo wixii isu tanaasul u baahan, oo la isla meel dhigo. Go’aano aan soo noqnoqosho laheyn ay uuga soo

saari laheyd Guurtida oo Xaaji Cabdi Illaahay hadaayee uu hor kacayo (Maaha Saleebaan Gaal iyo Inta Xaaraanta Ku Naaxdey Ee Loo Qeybiyey Lacagta, si wixii la dooneyey looga dhameysto). Balantu sidaas bay aheyd; waana laga leexday, su’aasha meesha taalaa waxa weeye, maxaa xigi ama ka imaan kara?

Koow: Burburkii Xisbiga Kulmiye ku bushaareysta, waa hadii uu Siilaanyo ka noqon waayo badheedhkii indhaha la’aa ee uu ku baryootamey Doorashadii hore, dalbadeyna in laga qaleeyo oo loo daayo wakhtigan, balana uu daba dhigey uu ku balan qaadey in aanu mar danbe ordi doonin. Maalintaa ninkii joogey baa joogey, wuxuu yidhi “Nin Weyn Baan ahey, markan fadlan ii daaya, waxaan idiinku balan qaadayaa in aan wareejin doono Xisbiga iyo Taladiisa Doorashada ka dib, waana abaal aan idiin hayn doono, oo aanan illoobi doonin abid”.

Ugu horeyn sharciga Somaliland in uu balantii ka noqdo oo uu ordo ma ogol yahay, marka laga hadlayo Da’da uu Siilaanyo yahay maalinta doorashada danbe la gaadho, iyo caafimaadkiisa oo lawada og yahay in aan talo isaga gacanta uugu jirin? Waxa hadaba is weydiin mudan; maxaa ku kalifey Siilaanyo in uu wakhtigan xaadirka ah ka noqdo balantii & abaalkii uu sheegayey na ma wuxuu dhaley abaal ka dar? Sida dadka oo dhami wada arkayaan, waxa cad in Siilaanyo talo gacanta uugu jirin, uuna dheer tahay in ay ku xeersan yihiin dad aan dan ka lahayn sumcada Siilaanyo iyo taariikhdu waxa ay ka qori doonto. Dadkaas oo kala ah; Maama Khadiijadii Afweyne Kalkaalka Weydaarisay oo Xaaska Siilaanyo Bedeshay, Morgan ka cusub (Ee Ina Siilaanyo Intaan Qabo Yaa illa hadli kara yidhaa) ee sodoga Siilaanyo u yahay (Sidii Afweyne xiligiisii Morgan kii Hargeysa dumiyey uu u odhan jirey Intaan Ina Afweyne qabo ayaa illa hadli kara), Tuuga Xaaraantii ka soo if baxdey ee Wajiyo Xun, Wiilka Inay Samaale Yemen wada joogi jireen la moodo Ee islula marka uu socdo (Wiilka Air Port Liqe Duulista iyo Hawada), iyo kuwa aan Shirkii Gar’adag ku jirin (macnaa wasiirada aan reerka aheyn, ee reerahooda hadimadooda loo koolkooliyo) ee sida Eyda lagu adeegto, oo uu koow ka yahay Jano Kabood Samaale.

Laba: Badheedhka Siilaanyo ee “Ku Qabso Ku Qadimeyside” waxa ku xigi doonta Duca Qabe (Beenaale Siilaanyo Qowl malihid, balan malihid, abaal laawe inaa tahay horaa laguu sheegay), waxa aanu kuu sheegaynaa in mar danbe “Codkayagu Inaanu Ciil Nagu Noqon Doonin”, ma geydid (Isaga ayaan geyin, reerkiisa xaasha uuma jeedo), kursiga uugu mudan Somaliland ee soo dhaaf Aqalka Somaliland. Waad badheedhey, waana laguu been sheegay, ee cidii ku codeyn laheyd cirka u doono. Su’aaluhu waxay yihiin yaa Siilaanyo ku dooran? Cod na xageebaad ka helaysaa? Habar Jeclo Muj. Mahamed Kaahin ciduu ka yahay waad garanaysaa iyo cida aad Siilaanyo adigu tahay. Muj. Muse Biixi na waa nin Habar Awal ah oo Ciidagale reer Abti u yihiin. Shabeel na waa nin Ciidagale ah. Arab & Dhulbahante halka aad kala joogtaan cid kastaa waa og tahay, nacasna loo sheegimaayo. Yaa ku dooran Siilaanyo?

Sadex: Badbaadintii Qaranka Somaliland ee Muj. Muse Biixi iyo Xaaji Cabdi Waraabe. Waxa hubaal ah in maanta Somaliland u kala cadaatey “Ninka Dhaqasho & Ninka Dhere u dhex jooga”. Somaliland waxa ay maanta u haysaa Muj. Muse Biixi iyo Xaaji Cabdi abaal aan gudhi doonin, halka Saleebaan iyo Siilaanyo waxay yihiin sida cadceeda uugu cadaatey umada reer Somaliland. Xaaji Cabdi sida aad wada og tihiin, waa nin nabadeed. Waa nin mar kasta Qaran ka u hiiliya maalinta uu Qaran ku hiil u baahan yahay. Marka uu ogaadey in Qaranka Somaliland Dagaal in la geliyo in loo badheedhey, si Siilaanyo kursi dherer

uugu helo, wuxuu Xaaji Cabdi Waraabe, go’aansadey in uu ninka uu hubo in uu Qaran ka u tudhayo ee Muj. Muse Biixi in uu yidhaa “Muj. Muusoow halka arini marayso waad arkaysaa, meesha wax loo wadana waad og tahay, Abti ama Adeer Muj. Muusoow Qaran ka Somaliland hiil buu kaaga baahan yahay, dib u liq candhuuftaada, damacaagii Siyaasada iyo dantaadana waxa aad ka horeysiisaa, danta

Qaranka Somaliland. Al-Xamdulilaah Muj. Muuse Biixi oo hore ba loo ogaa laxejeclada uu ka qabo Qaranka Somaliland, cidii hore aan u ogeyna ay maanta uugu cadaatey sida cadceeda, wuxuu si wanaagsan oo raganimo leh uugu qancay go’aankii Saleebaan soo maleegay ee lagu fuliyey magaca Guurtida Somaliland. Isaga oo Muj. Muuse Biixi ixtiraamaya Xaaji Cabdi iyo Tudhis uu u tudhay Qaranka Somaliland, Muj. Muuse Biixi dhamacna xataa hakaga kululaatee, wuu aqbalay go’aankii.

Taariikhdu wey qori halka Siilaanyo iyo inta ku xeersani ay la rabeen Somaliland, iyo badbaadadii Muj. Muuse Biixi ee Qaranka Somaliland, wax kasta oo uu ku waayayo isagu. Hotel lada iyo Gur yaha Xamar ama dibadaha ay ka wada dhisteen, ayaa idiin ku filan in arinkoodu uu ahaa “Ama Ku Cuney Ama Ku Ciideeyey”. Xaq iyo Xadaro daris manoqon karaan. Qaran Dhise iyo Qaran Dumiye laba la simo ama la kala doorto maaha. Taariikhdii Siilaanyo ee SNM iyo Taariikhdii Muj. Muuse Biixi ee SNM na waa wax qoran. Qaranka Somaliland iyo halka uu Siilaanyo ka joogey, wakhtigii SNM ta la ahaa oo uu aaminsanaa Afweyne lama dagaalami karee aan la gorgortano. 1991 kii markii Somaliland lagu dhawaaqey cidii ugu horeysay ee tidhaa ma ayidsani wax Somaliland layidhaa, ninkii yidhi Siilaanyo ayuu ahaa. Maalintii sharciga uu Maanta Madaxweynaha ku noqdey loo codeynayeye ee 97% shicibka Somaliland u codeeyeen, ninkii uugu horeeyey ee diiday Siilaanyo ayuu ahaa. Xisbiyada markii la sameenayey ninkii ugu horeeyey ee deedafeeyey, yidhina anigu waan iska casiley Xilkii Wasiirnimo ee Cigal IHUN u dhiibey, waanan ka fadhiistey Siyaasadii, Siilaanyo ayuu ahaa. Markii uu ogaadey in Cigal IHUN uu geeriyoodey ayuu soo cararey Siilaanyo. Muj. Muse Biixi illaa maalintii uu ku biirey SNM illaa maanta, Somaliland buu sidii u dhexjoogaa oo uu ayidsan yahay.

Waxaan ku soo gunaanadayaa qormadan Siilaanyo “Ninkii Dhoof Ku Yimid Baa Geeridu Dhibaysaa

Wakhtigii Dhamaayoo Wuu Dhaqaaqi Doonaaa Dhulka Soow Anigu Malihi”. Fadlan dib u daawada Qudbadii maalintii Xilka lagu wareejinayey uu Mudane Riyaale, uu Siilaanyo ku yidhi dad iyo dal isku dhan baan kaaga tegay adna cidii kaala wareegi doonta, isaga oo dadka iyo Qaran ku ba yihiin ugu yaraan sida aan maanta kaaga tegay ku wareeji. Siilaanyo wuxuu yidhi “Waari Meyside War Ha Kaa

Hadho”. Warkii aan filayney iyo warkii aan ku ducaysaneynay in Illaahay inooga dhigo, midna ma hayno.

Hadii in yar oo damiir ku hadhay Siilaanyo waxaan leeyahay, fadlan is casil, “Uugu Maad hanbeyn Shicibka Somaliland iyo Muj. Muse Biixi toona, sidii ay kuugu liseene”. Fadlan hadii Caruurtiisa cid taqaanaa akhrido qormadan ama email kooda hayso, u gudbiya qoraalkan si ay Aabahood uuga illaaliyaan taariikhda madoow ee uu ku dhameysanayo cimrigiisa. Waayo cida qudha ee Aabohood badbaadin kartaa waa iyaga, sida iska cad inta ku xeersan nasteexo odeyga uuma hayaan. Ceeb mooyee wax uu ka faa’iidi ma muuqato, hadii uu sii joogo.

Guul iyo Gobonimo Somaliland

Rashiid Hargeysaawi