Sheed-Dheer (CodkaHargeysa)- Ubax Maxamed Cabdille oo ah hooyada dhashay Wiil Soomaali ah oo naftiisa ku biimeeyey diyaarad uu taayirkeeda hoos-galay, ayaa la sheegay inay ka baxsaday Xerada Qaxoontiga ee Sheed-dheer ee dalka Itoobiya oo ay ku nooshay, ka dib markii loogu hanjabay in la dili doono.
Hooyo Ubax Maxamed oo dhashay wiil Soomaali ah oo bilo horteed naftiisa ku biimeeyey diyaarad isaga gooshaysay gobollada Maraykanka iskuna qariyey Taayirka diyaaraddaas, ayaa la sheegay in laga saaray xerada qaxootiga ee Sheed-Dheer, sababo amaankeeda ah awgeed, sida lagu baahiyey lagu baahiyey wargeyska Seattle.pi oo soo xigtay Afhayeenka Guddiga Xeraad Cabdirasaaq Cabaas oo warkaas u xaqiijiyey.
Afhayeenku waxa uu sheegay inay haweenaydani u soo bandhigtay maamulka xerada lambaro telefoon oo aanay aqoonsanayn oo looga hanjabay, sababtaas awgeedna loo geeyey goob aanu sheegin.
Hodan Maxamed ayaa sheegtay in wixii ka dambeeyey markii inankeedu diyaarada isku qariyey bishii April, ay ka soo gaadhayeen hanjabaadyo ah in la dilo dad aanay garanayn oo telefoonka kula xidhiidha, balse filayso inay qaraabo yihiin ninkeediii hore.
Aabaha dhalay Wiilka naftiisa ku biiyey diyaaraddaas oo wax laga weydiiyey eedaha loo jeediyey, ayaa la sheegay inaanu wax jawaab ah ka bixin.
Sheed-Dheer ayaa Xero Qaxoonti oo ku taala Bariga Dalka Itoobiya, waxaana ku jira dad ka qaxay dagaalada ka socda dalkaasi Soomaaliya iyo kuwo ku bara-kacay dalka Itoobiya gudihiisa.
CODKAHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYSA.COM