Jamaal Cali Xuseen oo Kiniin Xummad-jabin ah ku sifeeyey go’aankii Guurtidu ku Dhex-dhexaadisay Garabyada Kulmiye

0
373

Hargeysa (CodkaHargeysa)- Musharraxa u taagan jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii  uu soo dhammaystay safar muddo laba bilood iyo badh ah qaatay oo uu ku marayey waddamada dibedda, waxaana si diirran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, ayaa xumad-jebin ku tilmaamay go’aannada Guurtidu ku dhex-dhexaadisay labada Garab ee khilaafku u qaybiyey Xisbiga KULMIYE, balse waxa uu sheegay inaan weli nabarkii khilaafka la dhayin.

Jamaal Cali XuseenSoo-dhawayntiisa ka dib Jamaal Cali Xuseen waxa uu Warbaahinta ugu warramay qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa oo uu faahfaahin kaga bixiyey guulaha Safarradiisa, aragtidiisa siyaasadda gudaha iyo dibedda ee dalka iyo khilaafkii Xisbiga KULMIYE oo Guurtidu go’aammo ay ka soo saareen bilawgii toddobaadkan.

”Waxaan ku maqnaa safar qaatay muddo laba bilood iyo badh ah, waxaanan soo maray dhawr waddan oo kala ah Maraykanka, Canada, Ingiriiska Iyo Australia, Safarkayguna waxa uu la xidhiidhay danta Qaranka iyo danaha Xisbiga UCID, intii aan joogay waddamadaas waxaan la kulmay dhammaan dadka reer Somaliland ee ku nool waddamadaasi, waxaanan iska xaal waraysanay halka uu dalku maraayo, waxa kale oo aan kulammo la qaatay qaar ka mid ah Wasaaradaha arimaha debadda iyo Deeq-bixiyayaasha qaarkood.” Sidaa ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Musharrax Jamaal waxa uu intaa ku sii daray oo yidhi; “Waxaanan kala hadlay xaaladda Somaliland sida waddanka Ingiriiska oo aan kala hadlay caawimada ay siiyaan Somaliland, waxaanay dawladda Ingiriisku noo muujisay inay taageero u hayaan Somaliland hadday tahay doorashooyinka Somaliland ee dimuqraadiyadda ku dhaca iyo hadday tahay sidii ay awalba u caawin jireen Somaliland dhinaca arrimaha bulshada.”

Musharax Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaya khilaafkii soo kala dhex galay Xisbiga KULMIYE iyo sida ay Guurtidu u dhex-dhexaadiyeen waxa uu yidhi; “Waa ILLAAHAY mahaddii oo waxaan u mahad-naqayaa Golaha Guurtida, waxaanan leeyahay idinku xilkiinnii waad ka soo baxdeen Somaliland-na way ku soo caano-maashay nabadgelyadaas iyo idinka oo mar kasta ka shaqaynaya. Waad ogtihiin oo Xisbiga UDUBU waxa uu ku burburay xaq-darro iyada oo Madaxdii Xisbigu ay Madaxa iskaga duubtay, taasina waxay hogo tusaale u tahay KULMIYE oo waxyaalaha la arkayaa ka socdaan, waxay hogo tusaale u tahay UCID iyo WADDANI oo hadday berri waxyaalaha noocan oo kale ahi ka dhacaan sumcad-darro iyo ceeb ayey ku tahay dimuqraadiyaddeenna.”

Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay in go’aannada Guurtidu ka soo saartay khilaafka KULMIYE yihiin Kiniin xumad-jebin ah, balse aan weli xanuunka laftiisii la dawaynin, waxaanu yidhi; “Guurtidana waxaan leeyahay Xisbiga dhexdiisa arrinkani waxa uu ahaa Kiniin Asporo ah oo la siiyey oo xanuunka biinaya xilligaas. Laakiin, guntii looguma dhaadhicin oo lama dhiyin nabarkii khilaafka Xisbiga, marka kiniinkaasi ka baxana wixii dhici doona garan mayno. Markaa, waxa wanaagsan in sharciga la raaco, Xisbiguna sharci ayuu leeyahay kala danbayna wuu leeyahay, mana ah in cid gaara maroorsato waana in dadku isku duubnaadaan oo sharciga la daba fadhiisto, Asxaabta kalana waa inay ku cibro-qaataan.”

Waxa uu Jamaal Cali Xuseen sheegay in Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda ee waddanka Austaralia kulmeen, isla marrkaana ay ka wadahadleen waxyaabo badan oo uu xusay inay ugu muhiimsanaayeen inay Somaliland ka taageeraan dhinacyada tayeynta Xoolaha nool, Beeraha iyo Waxbarashada.

Jaaml oo natiijadii Safarkaas ka warramayaa waxa uu yidhi; “Maaddaama oo dalka Australia waayo-aragnimo dheer uu ku leeyahay xagga Beeraha, Biyaha iyo Xoolaha, waxaannu ku nidhi waar waa isla-doonasho Illaahe waxaannu doonaynaa intaas ayaannu u baahannahay ee intaad lacagta soo marin lahaydeen gacmo kale iyo dillaaliin, waxa fiican inaad si toosa Somaliland u gaadhsiisaan waxaad nagu caawinaysaa oo arrimahaas wax lagaga qabto, oo aad weliba naga caawisaan xagga biyaha oo aannu aad iyo aad uga cabanno, runtii way qorteen waanay soo dhaweeyeen.”

“Waxaan la kulmay Gabadha Australia u qaabbilsan Afrika, waxa kale oo aan la kulmay Hay’ad dunida ka caawisa waliba Afrika oo labaatan waddan ka caawiya cudurrada indhaha ku dhaca oo ay ku jiraan Itoobiya, Eriteria oo ay dadka Caafimaadka ka shaqeeya u tabobbaraan inay ku takhakhusaan Caafimaadka Indhaha. Waxay iyaguna noogu ballan-qaadeen inay siddeed qof waxbarasho siin doonaan oo ay u tabobbari doonaan takhakhus Dhakhtarnimo iyo Kalkaaliyeyaal, taasna iyagaannu ku nidho waddanka yimaadda, dadkana soo xusha si caddaalad ah oo tartan halloo galo, Safarkaasina Safar khayr leh buu ahaa,”  ayuu yidhi Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen.

CODKAHARGEYSA.COM

INFO@CODKAHARGEYSA.COM