Isbeddelka Cimillada oo Saamayn ku yeeshay Magaalooyinka Xeebaha ee Kenya iyo Cabsi laga qabo inay Baaba’aan

0
349

Nairobi (CodkaHargeysa)- Wasiirka Biyaha iyo Deegaanka Kenya Judy Wakhungu, ayaa cadeysay in magaalada Mombasa iyo deegaamada kalee ku teedsan xeebaha dalkaasai ay baabi’i doonaan labaatan sannadood ka dib isbeddelka cimillada adduunka awgeed, wakhtigan-na ay sansaantoodu ka muuqato deegannada Watamu iyo Ngimeni gobolka Xeebta Kenya.

Mombasa.10Sida lagu shaaciyey warbixin khubaro qaabilsan isbedelka cimiladu soo saareen, waxa la hseegay in xeebaha dalkaas ee wakhtigan la yaqaano aanay sii jiri doonin labada qarni ee soo socda ka dib, sababo la xidhiidha sare u kaca biyaha badaha ee isbedelka cimiladu horseedka ka tahay.  

Prof Wakhungu oo ka hadlayey warbixintan la soo saaray ayaa sheegay in bulshada ku nool magaalooyinka xeebaha iyo jasiiradaha yaryar soo waajahayso halis in biyaha baddu sare ugu kacaan, isbedelka cimilada.

“Warbixintu waxay muujisay in gebi ahaanba degi doonto magaalada Mombasa 20 ilaa 50 sannadood ka dib, hadii aan laga sii tabaabushaysan,”ayuu yidhi.

Saamaynta isbedelka cimilada ee warbixintani sheegtay ayaa sidoo kale la sheegay inay sababi doonto hoos u dhac ku yimaada dalagyada beeraha sida shaaha, galayda, iyo kafeega, halka xoolo-dhaqatadu ku keeni doonto caqabado kale. 

CODKAHARGEYSA.COM

INFO@CODKAHARGEYSA.COM