Hargeysa (CodkaHargeysa)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa wer-wer xooggan ka muujiyey dib-u-dhac ku yimaadda doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan dabayaaqada sannadka dambe, arrintaas oo ay ku sababeeyeen diyaar-garow la’aan ka jirta Diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha oo wakhtigii loo muddeeyey gebo-gabo ku dhow yahay.
Afhayeenka Xisbiga Waddani Ibraahim Mahdi Buubaa oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in caloolyowga dib-u-dhac ku yimaadda doorashooyinka ay tahay mid ku jirta shacabka Somaliland oo uu sheegay inay cabsi ka qabaan muddo-kordhin uu ka digay in looga dhigo diyaar-garow la’aanta dhinaca diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.
CODKAHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYSA.COM