Xarunta VATICAN ee looga Taliyo Kiristanka ugu badan Caalamka oo la Markii u horreysay Maanta laga Eedaamay

0
346

Maalin-nimada axada oo maanta ah  taariikhdu ku beegan tahay 8, June 2014-ku, waxa ay noqontay maalin ka duwan, maalmaha kale ee sanadka iyo kuwii ka horeeyayba, waxaanay taariikhda ku gashay maalintii ugu horaysay taariikhda ee Eedaan ka dhawaaqo, aayadaha Qur’aanka Kariimka ahna laga dhex akhriyo xarunta looga taliyo diinta kiristaanka ee Vatican-ka loo yaqaano ee magaalada Rome.

Pope with AbbasMajalada (The America), ee todobaadlaha ah oo warkan baahisay ayaa sheegtay in maalmihii ugu danbeeyay, Vatican-ku hawlanaa diyaarinta cod baahiyayaasha laga eedaami doona, waxa kale oo la diyaarinayay goob lagu tukan karo saalada isla markaana leh minbar laga akhriyo Qur’aanka Kariimka, halkaas oo la soo dhigay kutub Qur’aanka Kariimka ah iyo kutubo kale oo Maraajiicda Islaamiga ah.

Talaabadan ayaa ka danbaysay go’aankii baadariga ugu sareeya diinta Kiristaanka Pope Francisco uu laba todobaad ka hor dhinacyada isku haya bariga dhexe ugu baaqay gogasha nabadeed, sida majaladu warkeeda ku sheegtay waxa iyagana meel ay ku cibaadaystaan loo diyaarinayaa dadka Yuhuuda ah si salaado kala duwan oo nabad doon ah looga qabto goobtaas.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas Abu Mazim iyo wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo, ayaa gaadhi doonta magaalada Rome, waxaanay uga sii gudbi doonaan dawlada Vatican xarunteeda halkaas oo ay kaga qayb gali doonaan salaad lagu qabanayo beerta Vatican-ka, waxa madaxweynaha iyo wafdigiisa ku biiri doona, tobanaan dublamaasiyiinta carabta iyo Muslimka ah ee Vatican-ka iyo Magaalada Roma u fadhiya dalalkooda, kuwaas oo la tukan doona salaadaa nabad doonka ah.

TEL AVIV, ISRAEL - MAY 25:  (ISRAEL OUT) In this handout provided by the Israeli Government Press Office (GPO), Pope Francis (R) walks with Prime Minister of Israel Benjamin Netanyahu during a welcoming cermony at Ben Gurion Airport  on May 25, 2014, in Tel Aviv, Israel.  Earlier Pope Francis addressed the Israeli-Palestinian conflict as "unacceptable" and urged both sides to find courage in seeking a peaceful solution.  (Photo by Avi Ohayon/GPO via Getty Images)Dhinaca kale Madaxweynaha Israel Shimon Press iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa iyaguna dhinacooda u qabsan doona, salaad ay ku tukan doonaan goobta qayb laga siiyay waxaana la filayaa in isna ay ku biiri doonaan dad badan oo Yuhuuda ku dhaqan qaarada Yurub ka tirsan, lama sheegin in halkaas ay wada xaajood ku yeelan doonaan, hasa yeeshee waxa la hubaa oo kaliya in Baadarigu ugu yeedhay inay salaad nabad galyo ku soo tukadaan Vatican-ka.

W/Q: Feysal Maxamed Xasan