Hargeysa (CodkaHargeysa)- Ergada Guurtida ee isu-xilqaantay dhex-dhexaadinta khilaafka Kulmiye oo maalmihii u dambeeyey kulamo ay arrimahooda kaga dhegaysanayeen la yeeshay garabyada isku-haya Xisbiga, ayaa go’aamo gunaanad u noqonaya ka soo saaray is-maandhaafkii ka dhex aloosnaa Xisbiga haya talada dalka.
Laba garab ee isku haya xisbiga Kulmiye oo ay kala hoggaaminayaan madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan Ergada Guurtida ee khilaafkooda isu-xilqaantay, ayaa kulan ka dhacay Madaxtooyada Somaliland lagaga dhawaaqay go’aamo lagu soo gunaanaday khilaafka labada dhinac.
Halkan ka dhegayso