Hargeysa (CodkaHargeysa)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta u amba-baxay dalka Ingiriiska oo ay marti-qaad ka heleen jaamacado iyo Cusbitaallo ku yaala waddankaas.
Dr Saleebaan Ciise oo ay weheliyaan Agaasimaha Cusbitaalka Hargeysa iyo masuul ka tirsan hay’adda Shifad oo war-fidiyeennada kula hadlayey madaarka Caalamiga ah ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in safarkooda ay ku tagayaan dalka Ingiriiska oo qaadan doona muddo shan maalmood ah ay u qorshaysan tahay kulamo kala duwan inay kula qaataan masuuliyiinta cusbitaallo iyo jaamacado ku yaala Ingiriiska oo marti-qaad u fidiyey iyo jaaliyadda Somaliland ee dalkaas.
“Waxaanu u kicitimaynaa safar shaqo oo aanu ku tagayso waddanka Ingiriiska, aniga iyo Agaasimaha Cusbitaalka Dr Askar iyo Muuse oo ka socday hay’adda Shifad.
Waxa uuna safarku ku saabsan yahay oo na soo casuumay Cusbitaallo iyo Jaamacado wadanka Ingiriiska ku yaala oo inta aanu joogno la kulmi doono. Waxa kale oo aan la kulmi doonaa Jaaliyadda Somaliland,” ayuu yidhi wasiir Xagla-toosiye oo ka hadlayey ujeedada socdaalkooda.
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray, “Waxaanu rejaynaynaa in aanu guul kala soo kulanno safarkaasi, Jaamacadahaas iyo Cusbitaalladaas waxaanu doonaynaa inaanu isku xidhano oo xidhiidh wanaagsan aanu la yeelanyo, cusbitaalkana aanu ku soo xidhno, cusbitaallo kale.
Safarkayaguna wuxuu qaadan doonaa muddo Shan cisho ah oo aanu kulamo kala geddisan la yeelan doono masuuliyiintaas na soo casuuntay,” ayuu yidhi Dr Saleebaan Ciise.
Socdaalka Wasiirka Caafimaadka Somaliland ugu kicitay dalka Ingiriiska, ayaa ku soo beegmay laba maalmood ka dib markii uu ka soo laabtay safar todobaaddo qaatay oo isaga iyo wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Safiirka dalka Ingiriisku ugu maqnaayeen dalka Taiwan.
Dr Saleebaan Ciise oo uu weheliyo safiirka Somaliland ee dalka Ingiriiska oo todobaadkan ka soo degay madaarka magaalada Hargeysa, ayaa waxyaabihii uga soo qabsoomay socdaalka dalka Taiwan ka sheegay ballan-qaadyo dawladda dalkaasi taageero dhinacyada adeegyada bulshada kaga taaageerayso Somaliland iyo sidii loo wanaajin lahaa xidhiidhka wax-wada-qabsi ee labada waddan.
CODKAHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYSA.COM