“Waxaan Qabaa In Labada Xisbi (UCID iyo WADDANI) Mid Walba Is Leeyahay KULMIYE, Ha Jabo Oo Ha Kala Daato” – Prof Axmed Ismaaciil Samatar

0
344

London (CodkaHargeysa)- Prof. Axmed Ismaaciil Samater, oo ka mid ah aqoonyahanka reer Somalilad ee qurbaha ku nool, ayaa ka hadlay khilaafka xisbiga KULMIYE, waxaanu sheegay inaanu ahayn khilaaf weyn, lana mid yahay uun khilaafaadka soo kala dhex gala asxaabta adduunka.

“Waxaan Qabaa In Labada Xisbi (UCID iyo WADDANI) Mid Walba Is Leeyahay KULMIYE, Ha Jabo Oo Ha Kala Daato” – Prof Axmed Ismaaciil SamatarAxmed Ismaaciil Samater, waxa kale oo uu ka hadlay Mustaqbalkiisa siyaasadeed ee Somaliland, waxaanu sheegay inay shacabka reer Somaliland u taallo inuu dalka Madaxwayne ka noqdo, isaga oo ammaanay sida shacabka reer Somaliland dalkooda u dhisteen.

Prof. Axmed Ismaaciil Samater, ayaa wareysi dheer oo uu siiyey Telefiishanka Somali Channel, waxa qayb ka mid ah oo si hor-dhac ah loo soo daayey kaga hadlay khilaafka KULMIYE, waxaanu yidhi, isaga oo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey khilaafka xisbibul Xaakimka Somaliland “Annigu ma qabo inay tahay wax sidaa u siin weyn (khilaafka Kulmiye), wax iska caadiya oo ka dhaca gudaha asxaabta adduunyada weeye”

CODKAHARGEYSA.COM