Afadii Sarkaalka – W/Q: A/Fataah M. Ahmed

0
375

Nolosha Askarinimo Ayaa ah mid ka duwan Shaqooyinka kale ee Dadka Intooda badani Qabtaan.Askarinimo Heybad iyo Sharaf Ayey leedahay Marka xaqeeda,iyo Derajadeeda loo Dhameystiro,Mana ah Shaqo Qof kastaaba si fudud isku qori karo Caalamka oo waxa loo Maraa Baadhitaano iyo Shuruudo Adag oo laga Gudbo.Wadankeenase Weli Inkasta oo Derajadii iyo Heybadii Ciidanka kor loo qaadey haddana sida loogu biiro Ayaa ah mid aan Shuruudo adagi ka oolin,Askar badan Ayaa Tababar ciidan aan Helin Xitaa iyaga oo Muddo badan Shaqeynaayey oo Caqligooda iyo Aragtidooda uun ku Hawlgala dhinaca kalena aan waxna Akhriyin,waxna Qorin.

Askarigu Mar waa Heegan,Mar Xuduuda iyo Dacalada Dalka Ayuu Teedsan yahay,Mar wuxuu ku Jiraa Tababar Ciidan Kor loogu Qaadaayo Tayadiisa,Marna Waxa loo Diyaarinayaa Masuuliyada La wareegida Hogaanka Ciidanka,Waa Qof lagu dabo Jiro,Waa Qof la Mashquuliyey oo la Raaciyey in uu Ilaaliyo Amaanka kuwo badan oo iska Hurda,Waa Qof Marar badan loo Qaadaayo Wadamada dibada si wax loo soo baro ama Nabad ilaalin loogu Geeyo wadamada Colaadaha Sokeeye ka Qarxaan.Waa Nolol Socdaal iyo Halgan ah,Waa Nolol lagu baraayo Guud ahaan wadankaaga oo Marba Xero iyo Qeyb gaar ah lagugu Qoraayo laguna wareejinaayo.Waa Askari oo Meeli ma Xidho,Waa Qof la badalaayo oo Mar kasta Filaaya Amar.Waa Qof ku deeqay Dhiigiisa oo Dhiman kara ama Ku dhimanaaya Dagaal.

Waxaad is weydiisaa hadaba Haweenka iyo Hooyooyinka Xaasaska u ah askartaasi,Haweenka u dhaxa Askarta iyo Ciidamadu wey ka nolol duwan yihiin Haweenka kale ee nolosha la wadaaga kuwa Xafiisyada taga ama ganacsada,Askari Heegan iyo Shaqo u baxaya,Askari Dagaal iyo Holac dhexgalaya,Askari dhimanaya,Askari dhaawac ah,Askari Qori sita,Askari Naxdin daayey,Askari Qalafsan,Askari aan ku wanaagsaneyn Diinta islaamka,Askari Balwad badan Haweeneyda  ah Xaas waxa ay tahay Mid caruurteeda hooyo iyo aabo intaba u wada ah,Haweenka Ragoodii ku waayey Dagaaladii iyo kuwa hada Heysta Caruuro badan oo agoon ahba,Waa Arin in la sheego Mudnaanteeda u leh.Caruurahooda ayeyna arag Askarta qaarkood,Fasaxyo yar marka laga tago waxa ay Joogaan Furinta hore ee Ciidanka.

Xidhiidhka Askari Fog oo ka Maqan Qoyskiisa Ayaan wax badan ka qaban Karin Wehel la,aanta heysata Qofkii kale iyo Caruurtii.Hooyada Askarigu Qabaa waxa ay Dhinaca kale soo saareysaa Askar kale oo Jidkii aabahood mara.Waa Ciidan Marka hore Maxaa Yeelay isaga oo Ciidan ah Ayaad guursatey ama lagu siiyey,Marka labaadna waa Ninkaagii,Ogow Ciidanka Ayaa ka horeeya in uu yahay odeygaagii.Waa Nolol dulqaad leh Marka Caruurtaada Aabahood ku Jiro Halgan hubeysan oo in badan soconaaya.

Dheefta Mushahar ee Askari Ciidan ah iyo Raashinka la siinayo Ayaana marar badan aan ku Filneyn Qoyska oo ka kooban Caruur tiro badan Arintaasi oo Mustaqbalka dhaxalsiisa in Afadii Askariguna ay Suuqa la Fadhiisato Ganacsiyo yaryar oo ay isku Mashquulineyso Caruurtana ku korineyso,Mar haddii Odeygii ku Maqan yahay Ciidamada badda ee Fog.

Askari kasta oo Adag waxa ka danbeysa Xaas  Adag oo kaga tiirsan Guriga iyo Caruurtii uu ka yimi,Nolosha Qoyskuna waxa ay tahay Mid hadba la guurta oo ku Xidhan halka iyo meesha loo badalo Askariga.Qormadan yar ayaa ah mid ugu dhalatey Mar aan u raacey Nin aanu saaxiib nahay,Qeybta taliska ciidamada qaranka somaliland,iyada oo aanu ku Aragney Albaabka hore Gabadh Hooyo ah oo taagan la iguna sheegay in ay tahay Xaas Askari.