Masuul ka Tirsan Urur-Siyaasadeedkii Xaqsoor oo Xukuumada Madaxweyne Silaanyo Ugu baaqay in aan dadka iyo Dalka lagu jaho wareerin Khilaafka Xisbiga Kulmiye

0
328

Hargeysa (CodkaHargeysa)- Siyaasi Axmed Cali Muuse oo ka tirsanaan jiray Urur-siyaasadeedkii XAQSOOR ee tartankii doorashooyinka Golaha Deegaanka ku hadhay, ayaa madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay in aanay siyaasadda iyo amniga dalka ku mashquulin khilaafka Xisbiga Kulmiye ka dhex-jira ee uu qaybta ka yahay.

Xil.Axmed CaliAxmed Cali Waxa uu madaxweynaha Somaliland ku eedeeyey inuu isagu hormood ka yahay khilaafka Xisbiga ka dhex-aloosan, isaga oo taas u daliishaday maadaama uu taageersan yahay Garab ka mid ah dhinacyada isku haya khilaafaadka Xisbiga hadheeyey.

Axmed Cali Muuse waxaa uu Bulshada reer Somaliland Ugu baaqay in ay nabad galyada ilaashadaan,dhinacna uga soo wada jeestaan wax kastoo dalka u horseedi kara Xasilooni daro,si aanu dalku u raacin loo lanka Siyaasadeed ee dalka ka jira mudooyinka dambe.

 Waxaanu sheegay  ka Urur Xaqsoor ahaan in ay ilaalinayaan Nabad galyada dalka,waxaanu Nasiib daro ku Tilamamay  qabyaalada Beelaysan ee Xukuumada Silaanyo Soo Nooleysay.

HALKAN KA DHEGAYSO

CODKAHARGEYSA.COM

INFO@CODKAHARGEYSA.COM