Laascaanood (CodkaHargeysa)- Ugu yaraan 40 qof shacab ah, ayaa dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen, hanta badan-na way ku burburtay, dab maanta subaxnimadii ka kacay Kaalin Shidaal oo ku taal badhtamaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Dabka oo la sheegay inuu ka kacay Foosto Shidaal oo taalay Kaalintaas, ayaa khasaare badan soo gaadhsiiyey dhammaan dhismihii iyo alaabtii taalay meheraddaas oo gebi ahaan shuf-beelay, halka 40 qof oo saddex ka mid ah xaaladdooda caafimaad liidato ay dhaawacyo ka soo gaadheen holacii ka kacay dabka, kuwaas oo loola cararay cusbitaalka Guud ee magaalada Laascaanood oo gar-gaarka deg-degga ah loo fidiyey.
“Dhaawaca dadka gaadhay iyo sida shidaalku u qarxay, wax Illaahay sahlay bay ahayd. Dadka Dhaawaca ahi waxa uu gaadhayaa ilaa dhowr iyo Afartan oo u badan dhaawac fud-fud, laba ilaa saddex qof mooyaane,” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah hawl-wadeennada Cusbitaalka Guud ee magaalada.
Shacabka magaalada Laascaanood iyo Ciidamada Ammaanka magaalada, ayaa si xooggan uga qayb-qaatay deminta dabka oo markii dambe ku guulaystay inay xakameeyaan si aanu ugu fidin dhismeyaasha ku dhow goobta kaalintu ku taalo oo ah badhtamaha faras-magaalada Caasimadda gobolka Sool ee Laascaanood.
Dabkan ayaa khasaare xooggan gaadhsiiyey hanti uu leeyahay Mulkiilaha Kaalinta iyo dad kale, taas oo taallay isla markaana ku shuf-beeshay dabka qabshada dhismaha ay ku taalada Meheradda dabku qabsaday.
Haseyeeshee, dadweynaha magaaladaas ayaa walaac xooggan ka muujiyey dab-demis la’aan ka jirta magaalada, waxaanay ganacsatada iyo maamulka degmada ugu baaqeen in si deg-deg ah looga hawl-galo sidii loo hirgelin lahaa dab-demis magaaladaasi yeelato oo dadweynuhu aad ugu heelan yihiin.
Guddoomiyaha Ganacsatada degmada Laascaanood Cabdirisaaq Axmed Warsame, ayaa bulshada gobolka iyo ganacsatada ugu baaqay inay iska kaashadaan sidii loogu hawl-gali lahaa dab-demis magaaladu yaalato.
“In kasta oo aanay magaaladu lahayn wax dab-demis ah, haddana nasiib-wanaag dadku way u gurmadeen, waana la bakhtiiyey. Ganacsato ahaan iyo bulshada gobolkaba waxaanu ugu baaqaynaa in dab-demiskaa loo hawl-galo,” Sidaa waxa yidhi Cabdirisaaq Axmed Warsame, guddoomiyaha Ganacsatada degmada Laascaanood.
CODKAHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYSA.COM