Hargeysa (CodkaHargeysa)- Xoghayaha Guud ee xisbiga talada dalka Haya ee Kulmiye oo ka mid ah hoggaanka Xisbiga ee u janjeedha dhinaca madaxtooyada oo maanta ka hadlayey munaasibad madaxweyne Siilaanyo qado-sharaf ugu sameeyey Xubnaha golaha Dhexe, ayaa muddo aan cayinayn u qabtay shirkaas oo lagu waday inuu maanta ka furmo Hargeysa, balse loo baajiyey dhex-dhexaadin Ergo is-xilqaantay oo Golaha Guurtida ka tirsan ku dhex-dhexaadinayaan labada Garab ee Xisbiga Kulmiye u kala falliidhmay.
Xoghaye Xasan Siciid waxa uu faray Ergooyinka ka kala yimi gobollada dalka iyo kuwa Caasimadda inay wakhti kooban ka dhur-sugaan inta muddo dambe looga soo sheegay xilliga laga qabanayo shirka.
HALKAN KA DHEGAYSO HADALKA XOGHAYAHA
CODKAHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYSA.COM