Tabashada Reer Sanaag Ee TV-ga Qaranka “Tan Iyo Ina Cigaal Isuduwe Ilaa Waardiyey Hal Nin baa Ka ah “. Q.1-aad

0
398

Waxa marag ma doon ah inuu jiro mugdi ku kala dhex jira bulshada reer Sanaag iyo Warbaahinta Qaraka Somaliland (Tv iyo Idaacaddaba) taasoo dhinaca bulshaduna tabashooyin tirsanayso xukuumadduna xaggeeda tabanayso wararkii gobolka Sanaag oo soo gaadhi waayey.

Haddaba labadaas tabasho ee aynu soo tibaaxnay maanta qormadeennan koowaad waxaynu ku eegaynaa tabashada xagga bulshada ka jita waxyaabaha ugu waaweyn oo aynu ka xusi karno:-

Tan iyo xilligii Madaxweyne-Cigaal Wasaaraddii Warfaafinta gobolka Sanaag  Isuduwe Weriye Camera-man Dareewalka ilaa Waardiye hal shakhsi ayaa ka ah (Tv iyo Idaacaddaba) xukuumaddana taasi kama qasoona.

Baaxadda gobolka Sanaag oo ah kan ugu ballaadhan geyiga Somaliland uguna bulshada badan sidaas awgeedna ugu wararka badnaan lahaa oo aad mooddo in xukuumaddu ka kaaftoontay

Haddiiba mas’uuliyiinta ama bulshada jecel warkoodu inuu gaadho xukuumadda Somaliland ay u baahdaan warbaahintii qaranku inay goobtaas gaadho way adag tahay shakhsigaas keligiis ah inay helaan ama uu fursad u hayo ama xataa uu raaci karayo.

Tv-ga qaanka Somaliland ee Ceerigaabo cidina ma goosan karato oo waa kan ugu qaalisan warbaahinta gobolkaas ka jita waayo waa wax hal qof u cuna duuban,

Beelaha qaarkood siiba Koonfurta iyo Bariga Sanaag oo ah beelaha ugu degaannada badan gobolka oo kaddib markay ku hungoobeen dhawr jeer oo ay isku dayeen sidii shaqaale looga siin lahaa warbaahinta dawladda ee gobolka xilligan ka qancay oo u arkay wax cid gaar ahi leedahay.

Waxa iyaduna meesha taalla Xafiis la’aan halkaas shakhsi meel loogu soo hagaagoba aanay jirin.

Lasoco qaybta danbe……………………

 

Qalinkii Sugulle Waabberi

Cadde2012@hotmail.co.uk