Hargeysa (CodkaHargeysa)- Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Musharaxa madaxwaynaha Xisbigaas Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ay weheliyaan masuuliyiin kale oo xisbigaas ka tirsan, ayaa magaalada Dubia ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta kulan kula yeeshay Madaxweynihii hore ee Somaliland Md Dahir Riyale Kaahin.
Kulankan oo ka dhacay Hotel ku yaala Dubai, ayaa ahaa mid casho-sharaf ah oo masuuliyiinta xisbigu u sameeyeen madaxweynihii hore, waxaana halkaas laykula soo qaaday xaaladda siyaasiyadeed ee dalka, Arrimo khuseeya khilaafka Xisbiga Kulmiye.
Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen qaar ka mid ah madaxda UCID iyo Saxaafadda ayaa lagaga wada Arrimaha Xisbiga Kulmiye ee khilaafka weyn ka dhextaagan yahay, waxaanay ugu baaqeen baaqay in loo dhameeyo sida ku cad sharciga Xisbiga Kulmiye iyo ka dalka, lana tix galiyo sharciga u yaala Xisbiga, lagana daayo fara galinta qaawan ee xukumadu ku haysto.
Madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo in muddo ah ku sugnaa sugnaa dalka Imaaraadka Carabta, waxa uu kulankani noqonayaa markii ugu horeysay tan iyo intii uu talada dalka ku wareejiyey madaxweyne Siilaanyo ee uu la kulmo Madaxda Xisbiga UCID ee uu Musharaxa madaxwaynaha ayaa xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ka qayb-galo.
CODKAHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYSA.COM