Hargeysa (CodkaHargeysa)- Guddiga Diiwaangelinta iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka, ayaa maanta soo saaray go’aamo ku aaddan Khilaafka Xisbiga Kulmiye, ka dib markii sida ay sheegeen ay soo gaadheen go’aamadii ka soo baxay shirweynihii Xisbiga Kulmiye iyo Liisaska Xubnaha Guddiga Fulinta iyo kuwa Golaha Dhexe ee ay soo saareen Shir-guddoonkii shirweynihii saddexaad ee Kulmiye.
Qoraal ay ku socodsiiyeen hoggaanka sare ee Xisbiga isla markaana ay ogeysiin siiyeen Madaxweynaha iyo Xeer ilaalinta Guud, ayaa ujeeddadiisa lagu sheegay inay tahay mid Caddeyn ah oo sheegaysa sharcinimada Xeerka 14 qodobkiisa 25aad ee khuseeya go’aamadii shirweynaha iyo liisaska xubnaha loo gudbiyey.
Go’aanka guddiga ayaa u qornaa sidan:
“Anagoo tixraacayna Xeer No: 14 qoddobkiisa 25aad faqraddiisa 4aad iyo 5aad oo u dhigan sidan:
4- (shirweynaha xisbiga waxa lagu dooranayaa
b. Xubnaha hogaanka Xisbiga iyo guddida fulinta
t. Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga
J. waxa lagu ansixinayaa barnaamijka iyo Xeer hoosaadka Xisbiga)
5. (Liiska xubnaha guddida fulinta iyo Golaha Dhexe ee xisbiga iyo nuqul xeer hioosaadkooda ka mid ah waxa loo gudbinayaa xeer ilaalinta, komishanka Doorashooyinka iyo guddida diiwaangelinta ururada siyaasadda iyo Ansixinta axsaabta qaranka muddo aan ka badnayn 30 maalmood shirweynaha kadib)
Anagoo tixraacayna qodobka 19aad ee distoorka Xisbiga Kulmiye xarafkiisa (x) faqradiisa 1aad oo u dhigan sidan (marka laga reebo xubnaha golaha dhexe ku soo gelaya qaabka ku xusan qodobka 27aad soo xulista xubnaha golaha dhexe waxa magacyadooda ergada goboladdu ku soo ururinayaan xoghaynta shirweynaha).
Anagoo tixraacayna qod 25aad ee Xeer No:14 ee u dhigan sidan (guddida diiwaangelinta wuxuu awood u leeyahay in uu soo saaro xeer nidaamiye (reuglations) xeerka habdhaqanka (Code of Conduct) iyo awaamiir (directives) aan ka hor imanayn xeerkan.
Gudidu waxay halkan ku cadaynaysaa
1. In uu na soo gaadhay go’aamadii shirweynaha sadexaad ee xisbiga Kulmiye ee qabsoomay 28-29/04/2014
Go’aamadaas oo ah
1. Go’aamadii shirweynaha sadexaad ee xisbiga Kulmiye
2. Liiska hogaanka ee Xisbiga Kulmiye
3. Liiska Guddida fulinta ee xisbiga Kulmiye
4. Liiska Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye
Go’aamadan oo ay saxeexeen shirgudoonka shirweynaha 3aad ee Xisbiga Kulmiye.
2. In aan guddida haba yaraatee aanay soo gaadhin go’aamo, liisas kale iyo wax cabashooyin ahi.
3. Iyadoo guddidu xafiiska fadhiday illaa lixdii galabnimo 6:00pm ee 29/05/2014 taariikhdaas oo ay ku ekayd waqtigii uu Xeer No:14 qodobkiisa 25aad ee aynu soo sheegnay ku xadeeyey wakhtiga kama danbaysta ah ee lasoo gudbin karo go’aamada shirweynaha.
Sidaas darteed, waxay guddidu aqoonsatay inay go’aamadaas soo gaadhay ee ay ku saxeexan yihiin shirguddoonkii shirweynaha 3aad ee xisbiga Kulmiye yihiin kuwa sharciga ah.
Allaa Mahad Leh
Saxeexa Magacyada gudida:
1. C/risaaq Jaamac Cumar
2. Aadan Geedi Qayaad
3. Cumar Xassan Axmed
4. Xasan Axmed Ducaale
5. Cabdalle Ibraahim Maxamed
6. Maxamed Cabdi maalik
7. Ismaaciil C/laahi Cali