FALAN-QEYN: Maxaad ka ogtahay Ubucda Khilaafka Kulmiye iyo Heshiiska Beelaha Siilaanyo iyo Muuse Biixi Dhexmaray (DHEGAYSO)

0
371

Hargeysa (CodkaHargeysa)- Suldaanka guud ee Beelaha Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa sheegay inuu jiray heshiis dhex-maray labada Beelood ee ay ka soo kala jeedaan Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi xilligii lagu jiray ololaha doorashadii Madaxtooyada ee Madaxweyne Siilaanyo xilkaas loogu doortay.

lllllllllllllFalanqayn Xiiso badan oo ku saabsan heshiiskaas iyo waxa uu salka ku hayo khilaafka xooggan ee wakhtigan u dhexeeya labada Garab ee Xisbiga KULMIYE u kala jabay oo uu Garab ka mid ah hoggaamiyo Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Garab uu hoggaamiyo Guddoomiye Muuse Biixi, kaasoo ay Idaacadda Radio Hirad dhinacyo kala duwan waraysiyo kala yeelatay. 

HALKAN KA DHEGAYSO WARBIXINTAN OO DHAMMEYSTIRAN

Inkasta oo uu Suldaan Xasan ka gaabsaday waxa uu ahaa ama qodobbada ku jiray heshiiskaas qeexitaankooda, haddana waxay tibaaxayaan wararka ku saabsan Heshiiskaas iyo waxyaabihii lagu gala saxeexday oo aanu ka helnay Odayaal ka tirsan labada Beelood, kaas oo dhigayey in wakhtigaas lagu jiray ololaha doorashadii Madaxtooyada oo Somaliland ka qabsoontay 26 June 2010 wada-jir loo soo saaro Madaxweyne Siilaanyo oo markaa ka sharraxnaa Xisbiga KULMIYE, shan sano ka dib doorashada Madaxtinnimada ee ku soo xigtana la soo saaro Muuse Biixi Cabdi oo hadda ah Guddoomiyaha KULMIYE.

Balse Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madoow oo ka soo jeeda Beesha Madaxweyne Siilaanyo oo toddobaadkii hore warbaahinta qaarkeed la hadlay, ayaa sheegay inkasta oo aanu goob-joog ka ahayn heshiiskaas labada Beelood dhex-maray, haddana sida loo sheegay in heshiiskaasi dhigayay in Siilaanyo hadduu ku guulaysto doorashada 2010 la galeyey marka uu shanta sano ee hore dhammaysto in shanta dambana uu isagu u tartamo wixii ka dambeeya tobankaa sanana uu Muuse Biixi tartamo. Hase-ahaatee, dadka xog-ogaalka u ahaa heshiiskaas waxay sheegayaan inaanu sidaas ahayn ee la isku ogaa in doorkaana Siilaayo la soo saaro, doorashada taa ku soo xigi doontana Muuse Biixi.

HALKAN KA DHEGAYSO HADALKA BUUR-MADOW OO DHOWAAN WARBAAHINTA LA HADLAY

CODKAHARGEYSA.COM

INFO@CODKAHARGEYSA.COM