Hargeysa (CodkaHargeysa)- Ciidamada RRU-da oo loogu talo-galay la-dagalaanka iyo ka-hortagga hawl-gallada Kooxaha Argagixisada ah, ayaa caawa weerar ku qaaday Guri uu magaalada Hargeysa ka deggen yahay Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga Cabdilaahi Abokor Cismaan oo madaxweyne Siilaanyo dhowaan xilka ka qaaday.
Ciidamada RRU-da oo ku hubaysan baabuurta gaashaamaan iyo qalabka loogu talo-galay la-dagaalanka Argagixisada, ayaa caawa abbaaro 12:00 habeenimo duullaan ku qaaday Guriga Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga Cabdilaahi Abokor oo ku yaala Xaafadda Jigjiga-yar, gaar ahaan agagaarka Hotel Maansoor ee Galbeedka Caasimadda, waxaanay halkaas isaga hor-yimaaddeen Ilaalada Wasiirkii Hore oo ay rasaas is-weydaarsadeen isla markaana u ka horjoogsaday Ciidanka RRU-da oo isku doonayey inay u daataan guriga si ay u soo qabtaan Cabdilaahi Abokor oo maalinimadii Khamiista warbaahinta ka sheegay hadal ka nixiyey Xukuumadda Siilaanyo.
Dhawaqa Rasaasta ay is-weydaarsadeen Askarta RRU-da iyo ilaalada Guriga oo laga maqlayey meelo badan oo magaalada ah isla markaana in muddo socotay, ayaa hurdada ka kicisay isla markaana argagax iyo amakaag ku abuuray shacabka ku dhaqan xaafadda uu gurigu ku yaallo oo wax masaafo aan sidaa u sii fogeyn u jirta Guriga Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi.
Wararka na soo gaadhaya, ayaa sheegaya inuu jiro khasaare ka dhashay rasaasta ay is-weydaarsadeen Ciidamada RRU-da iyo Ilaalada Guriga Cabdilaahi Abokor, haseyeeshee ilaa immika lama xaqiijin baaxadda uu le’eg yahay iyo tirada dadka wax ku noqday is-rasaasayntaas wakhtiga oo xilli dambe ah awgeed.
Warku waxa uu intaas ku daray in markii dambe lagu qanciyey Cadbilaahi Abokor inuu ku qanciyeen Cabdilaahi Abokor inuu Raaco Ciidamada, sidaasna lagu kaxeeyey.
Weerarka caawa lagu qaaday Wasiirkii hore Amniga ayaa daba-socda hadallo uu dhowaan saxaafadda ka sheegay inay xukuumadda ku jiraan Xubno wasiirro ah oo xidhiidh la leh kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale, Cabdilaahi Abokor oo ka tirsan xisbiga Kulmiye isla markaana taabacsan garabka Muuse Biixi, ayaa hadal uu maalinimadii Khamiis ka sheegay warbaabhinta, waxa uu hanjabaad ugu jeediyey Xukuumadda Siilaanyo.
DAAWO HADALKA UU KHAMIISTII WARBAAHINTA KA SHEEGAY CADBILAAHI ABOKOR EE HURDADA U DIIDAY XUKUUMADDA SIILAANYO
CODKAHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYSA.COM