Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga oo Xabsiga loo taxaabay, Xukuumadda oo soo bandhigtay Hub laga qabtay Gurigiisa Khasaaraha ka dhashay weerarkaas

0
357

Hargeysa (CodkaHargeysa)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa ka hadlay hawl-gal xalay ciidamada Ammaanku ku qabteen Wasiirkii ku-xigeenkii hore ee Amniga Cabdilaahi Abokor Cismaan, ka dib markii Ciidanka RRU-du weerar ku qaadeen Guriga uu ka deggen yahay Caasimadda oo ku yaala xaafadda Jigjiga ee Galbeedka magaalada Hargeysa.

DSC02417(1).JPGWasiirka Arrimaha Gudaha oo ay weheliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxa uu sidoo kale ka hadlay qarayo labadii habeen ee u dambeeyey ka dhacay magaalada Hargeysa, waxaanu ku sababeeyey Qaraxyadaas oo aan wax khasaare ah geysan, qaar lagu cabsi gelinayey shacabka.

Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu soo bandhigay Hub kala duwan oo ay ku soo qabteen Guriga uu deggen yahay Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga kaas oo ay adeegsanayeen ilaalada guriga Wasiirkii hore is-rasaasayni dhexmartay Ciidanka Booliska, ka dib markii Wasiir ku-xigeenka iyo rag uu watay ay iska caabbiyeen Ciidanka Booliska.

“Waxaad la Socotan in labadan habeen ee u danbeeyay uu qarax ka dhacay magaalada Hargaysa ama la dhigay meelo gooni-gooni ah, bahashan Layidhaa Shaanida, taas oo ay sababteedu tahay in carruurta iyo maatida lagaga Ciyaaro Hurdada, Taas oo xalayna ka dhacday madaxtooyada xaggeeda danbe. Arrinta qaraxa sidaad ka war qabtaan waxa ay bilaab Matay markii khilaalka xisbiga Kulmiye soo shaac baxay, waxaana aad yaab u leh rag waawayn oo muddakar ahi in khilaafkii Kulmiye ee u dhaxeeyay dhexdooda uu gaadho in khal-Khal la galiyo ammaanka Somaliland.

DSC02420(1).JPGWasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray, ”Qaranka Somaliland waxa uu ku faanaa nabada galiyo ,Umaddana iyo bulshadanina waxa ay muddo dheer wado adag usoo martay kuna guulaysatay in cid kasta oo khal-khal amini abuurta Karta gacanta lagu soo dhigo,Maantana ciidanka booliska somaliland waxa ay diyaar u yihiin in sumcada qaranka iyo tan shacabkaba in laga badbaadiyo cid kasta oo isku dayda in ay nabada galiyada aynu ku faano turaan turaysa,waxaanan ku qaban doonaan gacan bir ah.”

Wasiire Waran Cade Waxa Uu Sheegay In Gacanta Ku Soo Dhigeen Ciddii Ka Danbayse Qaraxii Xalay Ka Dhacay Magaalada Hargaysa waxaana uu yidhi, “Runtii waanu ka hawl galnay, ciddii ka danbaysey qaraxyadii ka dhacay magaalada Hargaysa ciidanka booliskuna runtii gacanta ayay ku dhigeen Rag Dhawr ah qaar kalena waa lagu daba jiraa, dhammaantooda waxaana ay wajihi doonaan cadaaladda iyaga iyo ciddii ka danbaysayba, waxaana ay runtii ciidanka boolisku si wanaagsan oo nabada galiyo ah gacanta ugu dhigeen cidii ka danbayse qaraxii xalay ka dhacay madaxtooyada dabadeeda.”

Dhinac Kale, waxa uu Nasiib-draro ku tilmaamay wasiir Ku-xigeenkiisii Hore ee dhinac Amnigu Inuu Magaalada Khal-Khal Iyo Fawdo Ka Abuuro Isla Markaasna Ciidanka Booliskana Kala Horyimaado Iska Cabin Iyo Xabada Waxaana Uu Yidhi, “Aniga oo aad iyo aad uga xun wasiir ku xigeenaygii dhinac amniga Cabdilaahi Abokor Cismaan oo aanu muda wada Shaqaynayn, waxaanan la yaabanay sidan xun ee ay waxa uga dhaceen,kaas oo ku kacay runtii arimo khal-khal galin kara nabada galiyada  iyo sumcada qaranka somaliland oo aynu wada ognahay halka aynu maanta ka taaganahay horumarka iyo wanaaga,Waxaana Nasiib Daro ah inuu ku hadlo,Hadalo tashuush galin kara shacabka reer Somaliland.

qori5 “Waxaanu markaas damacnay inaanu wax ka waydiino waxaas uu baahiyay ee uu wasiirrada dalka ku tilmaamay qaarkood, waa uu diiday hasayeshee markii la is-yidhi waxa ka qorana waxa uu kala horyimid ciidanka iska cabin hubaysan oo uu naftiisa iyo tan ciidanbka khatar ku galiyay,lakiin waxa aynu nahay qaran waxaana aynu leenahay sharci qof sharciga ka waynina majiro,wixii isku daya inuu khatar galiyo amniga, sharciga ayaa qabanaya,kolay xalay intaas ayaa dhacday ragii kale ee hadhayna waanu ku dabo jirnaa,waxaanan jecelnahay inaanu Gacanta kusoo dhigno wixii amniga dhib ku ahay.”

Weerarka ciidanka Amniga Somaliland ku qaadeen guriga Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga, waxa ku dhaawacmay Mid ka mid ah saddex nin oo ku sugnaa gurigaas, kaas oo sida ay sheegtay Xaaska wasiir ku-xigeenku ay ku dhaceen saddex xabbadood isla markaana uu dhiig-baxay.

CODKAHARGEYSA.COM

INFO@CODKAHARGEYSA.COM