Hargeysa (CodkaHargeysa)- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay inaanay Golaha Wasiirrada Xukuumadda uu ka tirsan yahay ee Madaxweyne Siilaanyo ku jirin xubno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab iyo Ururro xag-jir ah toona.
Wasiirka Madaxtooyada oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey eedayn uu Wasiir ku-xigeenkii hore ee amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo dhawaan sheegay inay Golaha Wasiirrada ku jiraan Koox ka tirsan Urur-diimeedyo uu xag-jir ku tilmaamay iyo Malleeshiyada Al-Shabaab, ayaa isagoo su’aashaa ka jawaabayey mar uu galabta Warbaahinta kula hadlayey garoonka diyaaradaha oo isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa ka soo degeen, waxa uu ku dooday inaanay jirin cid Al-Shabaab ah oo ka tirsan Xukuumadda, isla markaana cidda eedayntaas sheegtay looga fadhiyo inay caddayso.
DHEGAYSO Hadalka Wasiir Xirsi
Codkahargeysa.com
info@codkahargeysa.com