Ururka Isbahaysiga Dhalinyarada Gobolka Saaxil Oo Canbaareeyey Xadhiga Xukuumadda Siilaanyo Kula Kacday Xildhibaanada, iyo Gudoomiyaha KULMIYE ee Gobolka Saaxil

0
425

Berbera (CodkaHargeysa)- Ururka isbahaysiga dhalinyarada ee gobolka saaxil ee marka magacooda la soo gaabiyo la yidhaa SYA,ayaa maanta si kulul u canbaareeyey xadhiga xukuumada siilaanyo u geysatay xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka berbera,suxufiyiin iyo gudoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Saaxil.

War-saxaafadeed ay soo saareen Ururku, ayaa u qornaa sidan: “Ururka oo kulan maanta isu yimid xafiiskooda magaaladda Berbera, ayaa waxay ku tilmaameen xadhigga axmaqnimada leh iyo cabudhinta ay ee xukuumadda siilaanyo u geysatay Taageerayaal isugu soo baxay barxada xafiiska Xisbiga Kulmiye  ee magaalada berbera,kiyadoo ay ku taageerayeen Musharaxnimada Gudoomiyaha Xisbiga Mujaahid Muuse Biixi.

Xukuumadda waxay si sharciga ka baxsan u xidhay Xildhibaan Rashiid Aw Xassan,Xildhibaan Daahir Aw-Nuur oo ka tirsan Golaha deegaanka Degmada Berbera Iyo Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Saaxil Halac Dhagoole,suxufiyiin, isla markaana waxay xukuumadu u diiday inay si naabd ah u taageeraan murashaxninada gudoomiyaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi,oo guud ahaanba shacabka reer Saaxil ay taageersan yihiin Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE,balse xukuumadu ka xun tahay taageerada hiilka iyo hooda ah ee shacabka reer saaxil isla bar bar taageen gudoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Ururku waxa ku sifeeyey inay adeegsiga ciidamada qaranka ee xukuumada siilaanyo u adeegsanayso shacabka inay tahay mid fuleynimo ah oo ay xukuumadu ka baqanayso inay si cad masraxa doorashada iskula soo taagto Mujaahid Muuse Biixi Cabdi,taasina ay tahay sababta xukuumadda siilaanyo ay qaska u gelinayso dadka iyo dalkaba.

Ugu danbeytii waxay ururka isbahaysiga dhalinyarada gobolka Saaxil u soo jeedinayaan guud ahaanba shacabka somaliland inay sameeyaan mudahaarado lagu diidan yahay cabudhinta iyo caga-jugleynta xukuumadda siilaanyo ay shacabka kula kacayso,isla markaana lagu taageerayo Musharaxninada Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.”

CODKAHARGEYSA.COM

BERBERA/SOMALILAND