Hargeysa (CodkaHargeysa)- Wasiirki Hore ee Amniga Cabdijamaal Maamulka Garoowe Ee PUNTLAND Iyo Madaxa Mashaariicda Maamuulkaasi Faysal Cawar Ahna La Taliyaha Dhaqaalaha Ee Wasaarada Maaliyada Xildhibaan Axmed Cali Xashi iyo Weliba Saraakiil ajaanib ah oo la sheegay inay udhasheen dalka Turkiga Ayaa Soo gaadhay Magaalada Laasqoray.
Ujeedada Socdaalka Masuuliyiintani ayaa lagu macneeyay Inay heshiis kula soo galeen Saraakiisha ajaanibka ah inay macdan raadin ka sameeyaan degaanadaasi balse waxa kacdoon kala horyimi Shacbiga magaalada Laasqoray sida Uu Maxamed Yuusuf Bakayle Oo Oodweynenews.Com Ka tirsan U xaqiijiyay Maayarka Degmadaasi Dib ayayna Uga laabteen Magaalada
”Saaka ayay ahayd markii nimanka masuuliyiinta Maamulka puntland ahi laasqoray yimaadeen iyagoo niman cadaan turkiyiin lagu sheegayay wata anagu waanu kasoo horjeesanay ciidamo laba gaadhi oo tigniko ah ayaanay wateen ciidamada policeka ayaan udeegsanay iyo weliba shacbiga oo iyago dhankooda go’a uriday si ay uga baxaan magaalada waanay ka bexeen markiiba magaalada xataa qudhooda ajaanibki way qabsadeen madamo oo ay kula soo heshiiyeen laasqoray waa Puntland iyo magaalo Somaliland ah oo ay keeneen”
Maaha marki ugu horeysay ee Reer Laasqoray iskood udiidaan Duulaanka Puntland Iyo socdaalka Masuuliyiinta Shaqa Taga ah ee Garoowe.
CodkaHargeysa.com
info@codkahargeysa.com