Hargeysa (CodkaHargeysa)- Qarax kale oo la dhawaaq ah mid dayaankiisu xalay ka dhacay magaalada Hargeysa, ayaa immika mar kale dayaankiisa laga maqlayaa magaalada.
Taliyaha Booliska Somaliland oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan dad lagu tuhunsan yahay qaraxa xalay dhacay oo uu ku sheegay inuu ahaa nooca Macmalka ah, mana jiro khasaare uu geystay Qaraxa.
Ilaa immika lama oga goobta uu qaraxu ka dhacay, haseyeeshee waxa dhawaaqiista laga maqlayey Xaafadda 26-ka Juun ee magaalada Hargeysa, in kasta oo qaybo badan oo magaalada ka mid ah laga maqlayey.
Qaraxii xalay ayaa ka dhacay Meel biyo-mareen ah oo dhinaca ku haysa waddada laamiga ah ee daba-marta Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, gaar ahaan halka ay ka bilaabanto waddada laamiga ahi ah oo dhinaca Woqooyi kaga beegan Xarunta hay’adda Shaqaalaha ee sii dhex-marta Guryaha la odha jiray Hindiya Laynka.
Lama garanayo illaa hadda ujeeddada qaraxa, waxa sababay iyo nooca uu ahaa toona. Hase-yeeshee, waxa loo malaynayaa inuu la mid yahay Qaraxii xalay ka dhacay magaalada.
LA SOCO WIXII WARAR AH EE KA SOO KORDHA……