Hargeysa (CodkaHargeysa)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Caalamiga ah Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ugu baaqay inay si deg-deg xal uga gaadhaan Khilaafka ka dhex-aloosan Xisbiga gudihiisa, isaga oo sheegay inaanay danta Qaranka iyo Mustaqbalka xisbiga ku jirin is-jiid-jiidasho dhexmarta masuuliyiintiisa.
Dr. Maxamed Cabdilahai Cumar oo maanta hadal ka jeediyey munaasibad uu xilka wasaaradda ku wareejinayey wasiir Cusub oo madaxweynuhu dhowaan u magacaabay, ayaa sheegay inuu ka tirsan yahay masuuliyiinta u sar-sareysay ee xisbiga, sidaas awgeedna ay laxe-jeclo weyni ka hayso dhismaha xisbiga Kulmiye.
HALKAN KA DHEGAYSO
CODKAHARGEYSA.COM