“Madaxwayne Siilaanyo kolka uu wasiir Sacad Muuse ah ka tuurayo golihiisa wasiirrada nin….” – Cali Guray

0
303

guray11112Hargeysa (CodkaHargeysa)- Guddoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga  Mucaaridka ah ee UCID,Mujaahid Cali Yuusuf Axmed(Cali Guray), ayaa Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay in aanu xil ka qaadista golihiisa wasiiradda u wada madax-bannaanayn isla markaana ay jiraan qaar aanu ku dhicin inuu xilka ka qaado oo haddii uu soo hadal qaado laga soo canaanto meel ka baxsan Madaxtooyada uu dalka uga taliyo.

Waxaa kaloo uu dhaliilay qaabka uu xilka uga qaaday wasiirkii hore ee Ganacsiga Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo uu dhawaan xilka qaasi ku sameeyay Madaxweyne Siilaanyo.

Mujaahid Cali Guray waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay Boggisa Facebook “Madaxwayne Siilaanyo kolka uu wasiir Sacad Muuse ah ka tuurayo golihiisa wasiirada nin ka geesisani ma jiro. Waxa u CAADO ah in uu si fool xun oo bahdalaad iyo quudhsi ku jiro goor aan habeena ahayn maalin na ahayn uga soo tukhaatukhiyo golaha. Ixtiraam daradiisa Dr Maxamed Cabdillahi bal eega sida uu u soo madluufiyay wuxu u quudhi waayay xataa in uu warqad u qoro oo wuxu ka eryay warbaahinta.

Inamada adeerka uu u yahay ee dalka rogay marka ay tahay kuma dhaco haduu soo hadal qaado na waxa looga yeedhaa ama lagala soo hadlaa bariga Burco oo ma taaban kartid inanka la yidhaa ilayn waa nin tol lehe, markaasuu isagoo bawdyaha isla dhacaya oo gariiraya yidhaa haye haye.

Maxamed Cabdillahi sidii uu ula soo shaqeeyay Madaxwayne Siilaanyo waynu wada og nahay ha bedelo eh waxay ahayd inu si sharaf leh oo maamuus leh uun xilka uga qaado hadii uu nin goba yahay . Axmed Siilaanyo weligii cid abaal uma gelin abaal loo galay na weligii ba ma gudin.

Waxa ayaan daran dadka daacadda ah ee weli qof jira u haysta. Intay goori goor tahay mid midka roon ee golihiisa ku sii hadhay waxa haboon inay iska casilaan oy ka fogaadaan ilayn kolay wax uu iyaga ka dhegaysanayaa ma jirto eh. Ha isugu hadhaan xulkiisa gun gunaafka iyo geed xunka iyo tuugta iyo guul-wadayaasha ahi ye.”

CODKAHARGEYSA.COM

INFO@CODKAHARGEYSA.COM