“Xisbigii UDUB waad ogeydeen, si nacasnimo ah buu innagu dhaafay, Xisbigii ugu weynaana wuu ahaa,” – GUDDOOMIYE Saleebaan oo Guddi u saaray Khilaafka Kulmiye

0
349

Hargeysa (CodkaHargeysa)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa maanta Guddi u magacaabay dhex-dhexaadinta iyo xal u helidda khilaafka Xisbiga talada haya ee KULMIYE labada Garab u kala qaybiyey, kaasoo uu tilmaamay in khilaafkiisu si xawli ah u socdo, isla markaana loo baahan yahay in xal loo helo intaanay heer Xisbigu burburo gaadhin.

saleebaanGuddiga Guddoomiyaha Guurtiddu magacaabay waxay dhan yihiin 16 xubnood oo saddex ka mid ahi yihiin Shir-guddoonka, halka 13 kalana yihiin Xildhibaanno ka tirsan Mudanayaasha Guurtida Somaliland. Waxaanu Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ka hor intaan lagu dhawaaqin Guddigaas uu ka hadlay khilaafka u dhexeeya KULMIYE oo uu ku tilmaamay inuu marayo meel halis ah, isla markaana uu u baahan yahay in si deg-deg ah loo guda-galo xal u helidda khilaafkaas intaanu galaafan Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE.

“Khilaafka Xisbil-xaakimkii ka taagan in aynu galnaan jecelahay, waayo? Shalayto  haddaan Raadyawga iyo wax dheg-dhegaystay waxaad mooddaa si degdeg ah, xawli oo kulul bay wax ku socdaan, balaayana waxay leedahay daaman la qabto ee daba la qabto male baynu ku maahmaahi jirnay. Inaynu arrintaa xilkeeda qaadanno oo wixii aynu ka qaban karno inaynu guda-galno, oo daminno, wixii isu soo dhawayn ahaana aynu ka qabanno. Waayo? Xisbigii qoonmaaba waa dhaawac ku yimi Qaranka.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan.

Guddoomiyaha Guurtidu waxa uu sheegay in Xisbiga wiiqma Xisbiyada siyaasadda uu dhaawac ku noqonayo Qaranka Somaliland, isla markaana uu UDUB oo meesha ka baxay uu nacsnimo saaxadda uga baxay, waxaanu yidhi; “Xisbigii UDUB waad ogeydeen, si nacasnimo ah buu innagu dhaafay, Xisbigii ugu weynaana wuu ahaa, dee waa Khasaare Qaran weeye. Maaha UDUB uun ee waa khasaare Qaran, maantana Xisbil-xaakimkii weeye, iyagu markaa kursiga kumabay fadhiyine Xisbul-xaakimkuna ka sii daran. Markaa, waxaan jecelahay inaynu arrintaas guda-galno, Guddina u saarno haddii aad naga aqbashaan.”

“Maantoo kale waxba looma yar-yaraysto ee Guddi ballaadhan baynu u saaraynaa, nin waliba ninka uu ka weyn yahay baynu u xulaynaa, Rag yaryar oo dhalinyaro ah oo firfircooni waa jiraan, laakiin maanta Ruug culusta ayaynu u saaraynaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo soo jeedintiisaas Mudanayaasha Guurtida ee fadhiga maanta ka soo xaadiray si aqlabiyad ah u aqbaleen magacaabista Guddigaas. Waxaanu Guddoomiyuhu Mudanayaasha ku war-geliyey inta hawshaas xallinta ay ku jiraan fadhiyadii Goluhu fasax yihiin.

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Somaliland oo markaas ka dib fadhigaas ka akhriyey Liiska magacyada Xubnaha Golaha Guurtida ee Guddiga xal-u-helidda Khilaafka KULMIYE Golohu u saaray, ayaa sheegay inay Guddigaas Hoggaamin doonaan Guddoomiyaha Guurtida iyo labadiisa Guddoomiye Ku-xigeen. Waxaanu Liiska Xildhibaannada Guurtida ee Guddigaas loo magacaabay ee uu halkaas Ku-xigeenka koowaad ka akhriyey u dhignaa sidan:-

1-  Xildhibaan Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf

2-  Xildhibaan Muxumed Aw Maxamed

3-   Xildhibaan Cawil Xuseen Axmed

4-  Xildhibaan Nuur Rayaale Khayre

5-   Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan

6-   Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye

7-   Xil. Sheekh Maxamuud Xirsi Faarax

8-   Xildhibaan Cabdiqaadir Aw Xuseen

9-   Xil. Axmed Nuur Aw Cali

10-   Xil Maxamed Jamaac Abbokor

11-   Xil Maxamuud Xareed

12-   Xil. Saleebaan Garas Seed

13-   Xil. Yuusuf Cabdillaahi Cawaale.

Lama oga goorta ay Guddidani bilaabi doonto dhex-dhexaadintooda, hase-yeeshee waxa kale oo jira dhaqdhaqaaqyo kale oo Salaaddiin iyo dad kale oo la soo dhaqdhaqaajiyey wadaan, kuwaasoo aan illaa hadda iyana biyo-dhigin. Inkastoo ay socdaan dhaqdhaqaaqyo Xisbiga lagu badbaadinayaa Haddana waxa socda Tallaabooyin ay labada dhinac wali waddaan, kuwaasoo sabab u noqon kara in la sii kala fogaado.

CODKAHARGEYSA.COM

INFO@CODKAHARGEYSA.COM