DHEGAYSO: “Waxa lagu socdaa damicii ugu waynaa ee Madaxtinnimo ee Qarniga” – Wasiir Cabdi Aw-Daahir oo Difaacay murashaxnimada madaxweyne Siilaanyo

0
368

Hargeysa (CodkaHargeysa)- Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, ayaa sheegay in Madaxweynuhu badbaadiyey Xisbiga dhawr bilood ka hor, isla markaana Muuse iyo Maxamed Kaahin lagu qanciyey inaan lagula tartamin jagooyinka ay fadhiyaan, iyaguna aanay doonayn Madaxtinnimada inay u tartamaan oo Madaxweynaha loo daayo, balse markii dib loo doortay damac qaaday.

cabdi awdaahirWasiirka oo ka mid ahaa xubno ka tirsan Golaha Fulinta ee Xisbiga Kulmiye oo maanta shir-jaraa’id oo ay Hotel Maansoor ku yeesheen ku shaaciyey xilliga uu qabsoomayo Shirka Golaha Dhexe oo khilaaf ka taagan yahay, ayaa sheegay in Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin Madaxweynaha ku haystaan murashaxnimadiisa oo hore loogu dammaanad-qaaday inay hoggaanka Kulmiye ku beddeshaan inaan lagula tartamin Boosaska ay ku fadhiyaan.  

DHEGAYSO

 

codkahargeysa.com

info@codkahargeysa.com