Nairobi (CodkaHargeysa)- Urur-goboleedka ay ku mideysan yihiin dalalka ku yaalla Bariga Afrika ee IGAD ayaa si adag u cambaareeyay qaraxyo siyaabo kala duwan uga dhacay Soomaaliya, Jabuuti iyo Kenya, kuwaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan.
Xoghayaha guud ee IGAD, Maxbuub Macallim ayaa sheegay in weerarrada oo ay masuuliyadeeda sheegatay Al-shabaab ay yihiin kuwo fulaynimo isla markaana aan loo dul-qaadan karin.
“Weerarradaas ay geysteen kooxaha argagaxisada ah waxay si aan kala sooc lahayn ula beegsadeen shacab aan waxba galabsan, waana kuwo looga soo horjeedo deggenaashaha gobolka,” ayuu yidhi Maxbuub Macallin oo shalay war-saxaafadeed kasoo saaray xafiiskiisa Nairobi.
Qaraxii ugu dambeeyay oo habeen saddexaadkii ka dhacay magaalada Jabuuti ayaa la sheegay inay fuliyeen laba qof oo kala ahaa wiil iyo gabadh, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan.
Inkasta oo aanay jirin cid weli sheegatay weerarkaas, haddana ciidamada Jabuuti ayaa ka mid ah hawl-galka xoogagga AMISOM ee Somaliya ku sugan, iyadoo laga shaki qabo in arrintaas awgeed loo beegsaday Jabuuti.
Sabtidii lasoo dhaafay, ayaa sidoo kale weerar isugu jiray qaraxyo iyo kuwo toos ah waxay kooxda Al-shabaab la beegsatay xarunta baarlamaanka Soomaaliya, waxaana halkaas ku dhintay ugu yaraan 10-qof, soddomeeyo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaadhay, waxaana dadka ku waxyeelloobay ku jiray xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo qaarkood shalay xaalad caafimaad loogu qaaday waddamo dibadda ah.
Weerarka ayaa dhacay xilli ay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya shir ku lahaayeen xaruntooda, iyada oo dadka dhintay ay u badan yihiin askartii halkaa ilaalada ka haysay iyo kuwii weerarka fuliyay.
Dhanka kale, qaraxyo toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa ku dhintay tobaneeyo qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 80-qof oo shacab ah, kadib markii qaraxyo lala beegsaday suuq Nairobi ku yaalla.
Maxbuub Macallin ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay weerarradan, isagoo u diray ehellada dadkii ku dhintay qaraxyadaas tacsi, kuwii dhaawacyadu ay kasoo gaareenna u rajeeyay caafimaad dhaqso ah.
“Argagaxisadu nooc walba oo ay yihiin waxay geysanayaan falal fulaynimo ah oo aan loo dulqaadan karin. IGAD waxaa ka go’an inay garab-taagnaato dalalka iyo shacabka ku nool geeska Afrika oo dhan,” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Xoghayaha Guud ee IGAD.
CODKAHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYSA.COM