Nairobi (CodkaHargeysa)- Xoogagga Al-Shabaab ee ka dagaalama gudaha dalkaasi Soomaaliya, ayaa weerar ku qaaday askar ka tirsan milatariga Kenya oo sugnaa gudaha dalkaas, waxaana halkaas lagaga dilay ciidamada Kenya laba askari oo ka tirsan Milatariga dalkaas.
Weerarkan oo ka ka dhacay deegaanka Lamu oo ku yaala meel u dhow xuduudka Kenya la wadaagto Somalia, waxa sidoo kale ku dhaawacmay saddex askari, sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan Ciidamada Ammaanka Kenya.
Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in ciidamada ay iska-caabiyeen kooxahaas ku soo qaaday weerarka kana hal ruux, kuwii kalena ay goobta ka baxsadeen. “Xoogagga hubeysan waxay weerar gaadmo ah ku qaadeen gaadhi Land Rover ah oo ay wateen ciidamada Kenya, waxayna ku dileen gaadhiga gudihiisa laba ka mid ahaa askartii saarnaa, saddex kalena si xun ayay u dhaawaceen, ciidankuna waxay ku guuleysteen inay qof ka dilaan kooxihii weerarka soo qaaday,” sidaas waxaa warbaahinta u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan milatariga Kenya oo ka gaabsaday in magaciisa la xigto.
Mid ka mid ah saraakiisha booliiska ee sida milateriga u tababaran ee deegaanka Lamu, Samuel Obara ayaa sheegay in labada askari ay toogteen rag hubeysan oo tiradooda lagu qiyaasay 10-qof, kuwaasoo weerar gaadmo ah ku qaaday gaadhigii ay wateen ciidamada Kenya oo marayay meel ku dhow deeegaankaas. “Ciidamadan waxay wateen raashin ka yimid Hindiya oo ku socday saldhig ay milateriga Kenya ku leeyihiin deegaanka Raas-kambooni ee Somalia,” ayuu yidhi Sarkaalkani.
Sidoo kale, Samuel ayaa sheegay in weeraryahannadu ay rasaasta si toos ah ugu fureen gaadhiga ay ciidamadu saarnaayeen oo si xawli ah ku socday. “Laba ka mid ah kooxahan ayaa cararay, waxaana socda baadhitaanno lagu raadinayo,” ayaa yidhi sarkaalkani.
Ciidamada Kenya ayaa qayb ka ah hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya, iyagoo ay soohdinta u dhaxeysa labada dal ay dhowr jeer ka dhaceen weerarro noocan oo kale ah oo lagu dilay ciidammo Kenya ah.
CODKAHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYSA