Hargeysa (CodkaHargeysa)- Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa xil-ka-qaadista xalay lagu sameeyey ku sababeeyey inay madaxweynaha ku kala aragti duwanaadeen qaabka loo xaliyo khilaafka ka dhex-curtay xisbiga Kulmiye.
Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa Afartii sanno ee u dambeeyey ka tirsanaa golaha Wasiirrada Madaxweyne Siilaanyo, ayaa xil ka qaadistu loo tirinayaa khilaaf ka bilaabmay go’aamo ka soo baxay Shir-guddoonkii Shirweynaha Xisbiga Kulmiye oo uu Wasiirku guddoomiye ku-xigeen ka ahaa, kuwaas oo dhawaan shaaciyey go’aamo ay ku sheegeen inay ka soo baxeen shirweynihii xisbiga, balse ay hoggaanka sare ee xisbigu been-abuur iyo sharci-darro ku tilmaameen.
Wasiirkii hore ee wasaaradda Ganacsiga Somaliland oo maanta u warramyey Laanta Afka Soomaaliga ee BBC, waxa uu madaxweynaha uga mahad-celiyey muddadii ay wada-shaqaynayeen, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa, “Marka hore waxa aan madaxweynaha Somaliland uga mahad celinayaa mudadii 4 sano ahayd ee aanu soo wada shaqaynay, aniga oo saddex sano oo hore aan ahaa Wasiirka arrimaha Dibada, sanadkii ugu dambeeyayna aan ahaa Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo runtii aanu si wanaagsan u soo wada shaqaynay. Laakiin sida laga wada war qabo waxa baryahanba taagnaa khilaaf aad u weyn oo u dhaxeeyay xisbul xaakimka kulmiye iyo Xukuumadda,” ayuu yidhi Dr Cumar, waxaanu intaas ku daray, “Nasiib darro aniga iyo Madaxweynuhu waxa aanu markaa isku aragti ka noqon kari waynay, qaabka loo furdaamin karo ama loo marayo xal u helida khilaafkaasi loo soo yareeyo ama labada geesoodba la isugu soo dhaweeyo.”
Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa sheegay inay xil ka qaadistiisu u malaynayo inay salka ku hayso kala aragti duwanaanshaha xalinta khilaafka xisbiga, waxaanu sheegay, “Xil ka qaadistay runtii waxa aan filayaa in ay arrintaas la xidhiidho, waxaanan anigu aaminsanaa in khilaafka xisbiga Kulmiye lagu soo dhameeyo hab wada hadal iyo nabad galyo ah, hasayeeshee Tartamadii xisbiga Gudihiisa ka jiray, waxa aan anigu la socday Hogaanka Xisbiga oo aan taageereyay, arrintaasina waxa ay ku soo dhamaatay si wanaag ah oo guul ah,” ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Ganacsiga Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar.
CODKAHARGEYSA.COM
info@codkahargeysa.com