Wasiir Samsam Maxay ka tidhi inay iska Casishay Xilka Wasiirnimo ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo?

0
319

Hargeysa (CodkaHargeysa)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay warar lagu baahiyey warbaahinta qaarkeed oo lagu sheegay inay iska Casishay xilkii ay ka haysay wasaaraddaas, taas oo lagu sababeeyey khilaafka ka dhex-aloosan hoggaanka xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye iyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

samsamMarwo Samsam Cabdi Aadan oo iyada oo ku sugan Xarunta Madaxtooyada Khadka Telefoonka kula hadashay Wariye Maxamed Cabdi Ilig oo ka tirsan Horn Cable TV, ayaa sheegtay inaanay waxba ka jirin warkaas isla markaana uu yahay been-abuur iyo dacaawad laga sameeyey.

“Warkaasi maaha wax jira, waana been aan sal iyo raad toona lahayn, iminkadaa aan kula hadlayo waxa aan ku suganahay Madaxtooyada” ayay tidhi.

Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa ka mid ah Xubnaha ugu miisaanka culus wasiirrada Xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxaanay ka mid tahay shakhsiyaadka talada xukuumadda Siilaanyo tukunnada u ah.

 

Codkahargeysa.com

info@codkahargeysa.com