Djibouti (CodkaHargeysa)- Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa ka hadashay khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Qaraxyo xalay fiidnimadii gil-gilay xarunta dalkaas ee Jabuuti, waxaanay sheegtay inay qaraxaas ka dambeeyeen naftood hurayaal isku qarxiyey mid ka mid ah Hoteellada dadka Ajaanibka hi ku badan ee badhtamaha magaalada Jabuuti.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Jabuuti Xasan Cumar Maxamed, ayaa sheegay inay qaraxaas ku geeriyoodeen saddex qof oo laba ka mid ah loo malaynayo inay yihiin kuwii is-qarxiyey, halka qof saddexaad oo u dhashay dalka Turkiga uu ka mid ahaa shaqaalaha ka hawl-galayay Hoteelkaas.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa kulan albaabadu u xidhanaayeen Aqalka madaxtooyada kula qaatay Golaha Nabad-gelyada ee dalkaas oo ka kooban xubno wasiirro ah iyo taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaana kulankaas lagaga hadlay xaaladda ammaanka iyo sidii looga hortagi lahaa khatarta kaga iman karta Kooxaha Xagjirka ah ee falalka amni-darro ka fulin kara dalkooda.
HALKAN KA DAAWO
CODKAHARGEYSA.COM