Hargeysa (CodkaHargeysa)- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa caawa magacaabay Xubnaha Guddiga fulinta ee xisbigaas oo ka kooban 36 xubnood, sida lagu shaaciyey war-saxaafadeed mar dhowayd ka soo baxay xarunta xisbiga Kulmiye oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.
War-saxaafadeedkaas, ayaa u qornaa sidan: “ Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE isagoo raacaya Qodobka 24aad iyo Qodobka 32aad ee Dastuurka xisbiga, wuxuu magacaabay Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE oo kala ah:-
1. Dr. Xuseen Maxamed Xoog
2.Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar
3.Eng. Cabdiqaadir Iiman
4.Dr. Maxamed Axmed Cabdi (Carabayto)
5.Bulbul Cabdi Madoobe
6.Axmed Cabdi Xuseen
7.Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)
8.Carab Nuur Xandule
9.Fu’aad Aadan Cadde
10. Garayaqaan Maxamed Jaamac
11.Maxamuud Ismaaciil Xasan (Badde)
12.Jaamac maaxamuud Cigaal
13.Shariif Abokor Dhuux-yare
14.Cabdinajax Siyaad Cabdi
15.Maxamed Cabdi Iskeerse
16.Canab Cumar Ileeye
17.Maxamed Faarax Xirsi
18.Maxamed Cadbillaahi Cabsiiye
19.Baashe Yuusuf Axmed
20.Xildh. Maxamuud Jaamac Warfaa
21.Dr. Axmed Cumar Maax
22.Ilhaan Maxamed Jaamac
23.Ibraahin Aadan Qaalib
24.Axmed Xuseen Oomane
25.Cumar Sh. Maxamuud (Cumar-yare)
26.Mahdi Xuseen Caddare
27.Garyaqaan Barkhad Jaamac Xirsi
28.Prof. Cabdi Cali Jaamac
29.Sahal Cali Cartan
30.Maxamed Muuse Ibraahin (Buuni)
31.Cali Siciid Raygal
32.Xildh. Cali Maxamed (Cali Barre)
33.Axmed Aw Cabdi Shaacir
34.Dalays Shire Faarax
35.Aniisa Nuur Cigaal
36.Sahra Maxamed Xuseen(Basbaaso).”
Go’aanka Guddoomiyaha Kulmiye ku shaaciyey Liiska Guddiga Fulinta ee Xisbiga, ayaa ka dambeeyey go’aamo todobaadkan gudihiisa ay shir-guddoonka Shirweynihii Kulmiye ku shaaciyeen Laba liis oo ka kooban Guddiga Fulinta iyo Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, kuwaas oo hoggaanka xisbiguna ku tilmaameen sharci-darro aan waafaqsanayn xeerka xisbiga iyo go’aamadii ka soo baxay Shirweynaha xisbiga, halka xubnaha Shirguddoonkuna ay ku doodeen inay dariiq sharci ah u mareen shaacinta liisaskaas.
SOMALILANDPOST.NET