Dawladda Kenya oo Suuqyo Somaliland ku jirto u Raadinaya Qaadka Miirooga ee dawladda Ingiriisku dalkeeda ka joojisay iyo SIRAHA ku duugan Socdaallada Saraakiisha dalkaasi ku imanayaan Hargeysa

0
351

Nairobi (CodkaHargeysa)- Dawladda dalka Kenya, ayaa ku hawlan sidii ay Suuq ugu heli lahayd Qaadka Miiroo-ga ee ka baxa dalkaas oo ka mid ah Ilaha dhaqaale ee beeralayda dalkaasi ku tiirsan yihiin, ka dib markii dawladda Ingiriisku ku dhawaaqday inay dalkeeda ka joojinaso Qaadka looga dhoofiyo dalka Kenya.

Qaad miirooDalka Ingiriiska ayaa ah suuqa ugu ballaadhan ee beeralayda dalka Kenya ay u dhoofiyaan Qaadka Miiroo-ga marka laga reebo dalal ka tirsan qaaradda Yurub iyo Woqooyiga Ameerika oo si dhuumasho ah loogu dhoofiyo. Balse, waxa bilaabmay dedaallo dawladda dalkaasi ku bad-baadinayso wax-soo-saarka beerlaydeeda, iyada oo Somaliland ka mid noqotay suuqyada cusub ee Kenya u raadinayso sidii ay uga hirgelin lahayd isticmaalka Qaadka Miirooga oo aan haba-yaraatee wax suuq ah ku lahayn gudaha Somaliland.

Baarlamamaanka Ingiriiska, ayaa la filayaa inay hortaanta bisha todobaad ee sannadkan soo saaraan sharci dalkaas ka mabnuucaya  isla markaana u aqoonsanaya Qaadka inuu ka mid yahay maandooriyeyaasha isticmaalkoodu mabnuuca ka yahay dalkaas, iyada oo dalka Kenya uu yahay meesha ugu badan ugu badan ee ganacsiga qaadku uga dhoofo dalkaas.

 

Sidee ayey Kenya uga Dareen-celisay go’aankaas?

Qaadka loo dhoofiyo dalka Britain oo ay isticmaalaan bulshooyinka kala duwan sida Soomaalida ama Yamaniinta, waxa si sharci ah loo waaridaa Bariga dalka Kenya oo ka hela dhaqaale xad-dhaaf ah.

Si dawladda Britian loogu cadaadiyo isla markaana loogula gor-gortamo go’aanka saamaynta ku yeelanaya dhaqaalaha Kenya, ayaa todobaadkii hore la hordhigay Baarlamaanka Kenya Mooshin ay ku dalbanayaan in beeraleyda asalkoodu ka soo jeeddo dalka Ingiriiska lagala wareego beeraha ay ku leeyihiin Gobolka Meru ee bariga Kenya.

Munjuri oo iska leh Shirkad ka Ganacsata Qaadka ayaa Go’aanka Dowladd Britain ku tilmaamay mid Burburinaya “Qoysas badan”, wuxuu sheegay in joojinta Qaadka ay saameyn weyn ku yeelatay Nolosha Ganacsatada Qaadka dhoofisa ee Kenya.

Kenya ayaa Bishii ku dhawaad 90 Tan oo Qaad ah u dhoofin jirtay Dalka Ingriiska.

Qiimaha Qaadka ay Kenya u dhoofiso Ingiriiska ayaa lagu qiyaasay in uu la egyahay 2 Bilyan oo Shilin ($24 Milyan oo Dollar) sannadkiiba.

Ganacsatada qaadka ee dalka Kenya, ayaa sheegay in joojinta qaadku ay saamayn weyn ku yeelatay nolol-maalmeedkooda, waxaanay dalbadeen in dacwad liddi ku ah go’aanka Ingiriiska loo gudbiyo Maxkamadda Caalamiga ah, haseyeeshee dawladda Kenya ayaa hor-istaagtay, waxaanay beddelkeeda u ballan-qaadday inay qaadayso tallaabo liddi ku ah dawladda Ingiriiska.

sawir“Cabsida ugu weyn ee aan qabnaa waa inaan lumino suuqii ugu weynaa ee aan qaadka u dhoofin jirney,” sidaa waxa yidhi Afhayeenka Ganacsatada Kimathi Munjur oo u warramay wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya, isaga oo intaas ku daray in ay qorsheynayaan sidii ay badeecaddooda suuqyo cusub ugu heli lahaayeen, waxaanu sheegay inay immikaba ku guuleysteen inay qaadka geeyaan dalalka Malawi iyo Mozambique.

Dawladda Kenya oo ka hortagaysa inay suuq la’aan ku dhacaan Beeralaydeeda ku tabacda beerista Qaadka oo qayb laxaad leh ka qaata dhaqaalaha dalkaas, ayaa ku hawlan sidii ay u heli lahaayen suuq beddel u noqda go’aanka dawladda Ingiriiska, waxaana suuqyadaas ka mid ah Somaliland oo muddooyinkii u dambeeyey si aan hore looga baran loogu iibiyo isla markaana looga isticmaalo magaalada Hargeysa Qaadka Miirooga ee ka baxa dalka Kenya.

Go’aanka Dawladda Ingiriiska iyo Xilliga uu Hirgelayo

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ingiriiska, ayaa badhtamaha sannadkii hore u gudbisay Baarlamaanka dejinta dhaqan-gelinta xeer lagu mabnuucayo Qaadka laga isticmaalo dalkaas, sida lagu xusay qaraar ay ku saxeexnayd Xoghayaha Arrimaha Gudaha Theresa May oo ku sababaysay in uu Qaadka la mid yahay Daroogada kale ee halista ku haysa Bulshadeeda, dib udhacna ku keenayo dadka isticmaala, waxaana xilligaas loo muddeeyey inay joojintiisu si rasmi ah u hirgalayso Bishii January ee sannadkan.

Haseyeeshee, hawl-gallo dawladda Kenya go’aankaas ka gashay iyo mooshinno dhinaca sharciga ah oo go’aankaas fulintiisa hakad-geliyey awgeed, waxa dib loogu muddeeyey bilowga bisha 7aad ee sannadkan.

 

Somaliland iyo Suuq-geynta Qaadka Miirooga dalka Kenya

Bishii koowaad ee sannadkan waxa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ka soo degtay diyaarad markii u horreysay fadhiisatay garoonkaas muddadii 23-ka sanno ahayd ee horumarka dalku dhismayey, waxaana lagu sheegay inay diyaaraddaas oo ka soo duushay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay siddey Qaadka Miirooga ee ka baxa dalkaas, isla markaana ay todobaad kasta laba maalmood duullimaad ku samayn doonto garoonkaas, sida  lagu shaacisay war-saxaafadeed wakhtigaas ka soo baxay wasaaradda Duulista iyo hawada Somaliland.

Suhura“Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gadiidka Cirka Jamhuuriyada Somaliland waxa ay shaacinaysaa in maanta Madaarka Magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood ay caga dhigatay diyaarad sidday Alaabo ganacsi.

Diyaaradan oo ka timid dalka Kenya oo ah nooca loo yaqaan (Fokker 50), ayaa siday Qaad dhan 6 tan (Lix Tan), waxana sida qorshuhu yahay ay Todobaadkii Madaarka imdan doonta muddo laba cisho ah,” sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeed wasaaraddu duulistu kaga hadashay bilowga Duullimaadka diyaaraddaas oo Qaadka ay magaalada Laascaanood keento la tuhunsan in looga gudbiyo magaalooyinka kale ee dalka, sida magaalada Hargeysa oo isticmaalkiisu aad ugu badan yahay wakhtigan dambe.

Todobaadkan waxa magaalada Hargeysa socdaal ku yimi Wefti la sheegay inay ka socdaan wasaaradda Arrimaha dibadda ee Kenya oo uu wehelinayey safiirka Somaliland ee dalka Kenya Ambassador Sifir, waxaana lagu sheegay inay dawladda Kenya xafiis dibloomasiyadeed ka furanayso magaalada Hargeysa si loo xoojiyo xidhiidhka labada waddan.

Haseyeeshee, ilo-wareedyo u dhuun-daloola safarkooda iyo qorshaha suuq-geynta Qaadka Miirooga ee dawladda Kenya Shaadhka siyaasadeed u gelisay, ayaa tibaxaya inay ahaayeen saraakiil ka tirsan wasaaradda Arrimaha dibadda oo ay wehelinayeen xubno ka mid ah ganacsatada Qaadka iyo mulkiilayaasha Beeraha laga beero Qaadka Miirooga oo ku yaala Bariga dalkaasi Kenya. Waxaanay ujeeddadoodu tahay sidii ay Hargeysa uga furan lahaayeen xafiis laga maamulo isla markaana suurta-galiya Suuq xaami ah oo si deg-deg ah loogu socodsiiyo Qaadka Miirooga oo aan Somaliland gudaheeda si xooggan looga isticmaalin, si loo tartansiiyo qaadka ugu badan ee dalka lagu cuno oo ka yimaadda dalka Itoobiya.

Gunaanad

Si kasta ha ahaatee, waxyaabaha layska weydiin karo sababaha soo dedejiyey xilligan inay dawladda Kenya tidhaahdo waxaaanu xoojinaynaa xidhiidhka dibloomasiyadeed ee naga dhexeeya Somaliland, iyada oo markii hore ba uu jiray xidhiidh dibloomasiyadeed oo ka qoto-dheer heerka uu xilligan marayo.

Shacabka iyo Dawladda Somaliland, dariiqa kaliya ee khatar ku abuuri kara isla markaana ay dalal shisheeye uga faa’idaysan karaan danahooda gaar ahaaneed, ayaa ah hammuunta loo qabo helitaanka Aqoonsi beesha Caalamka laga helo, taasina waxa ay qof kasta oo Somaliland u dhashay iyo dawladddaba ku kallifaysa inay maraan dariiq kasta oo lagu heli karo. Haseyeeshee, waxa jira caqabado iyo booraan-siyaasadeed oo qarankani khatar ugu geli karo baadi-doonka Aqoonsi beesha caalamka laga helo.

Shacabka iyo Dawladba waxa ku waajib ah inay u guur-galaan isla markaana ka fiirsadaan halagyada iyo cadowga Shisheeye ee uga faa’idaysanaya hamuunta qaranka iyo shacabkuba u qabaan Aqoonsi laga helo Beesha Caalamka.

Codkahargeysa.com

info@codkahargeysa.com