Djibouti (CodkaHargeysa)- Badhtamaha magaalada Jabuuti, gaar ahaan mid ka mid ah suuqyada ugu mashquulka badan ee caasimadda dalkaas, waxa caawa ka dhacay laba qarax oo waaweyn oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay dadkii ku sugnaa goobtaas.
Ugu yaraan toban ruux ayaa ku dhaawacmay qaraxyadaas oo ka dhacay Makhaayad dadka Ajaanibka ahi ka cunteeyaan, halka laba qof oo kalena ku dhinteen, sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah ee Shabakadda Somalilandpost helayso.
Goob-joogayaal ku sugnaa goobta qaraxu ka dhacay oo ka gaabsaday in magacyadooda la xuso, ayaa shakabadda Somalilandpost u sheegay inay arkayeen dad ka mid ahaa shacbigii ku sugnaa goobta qaraxyadu ka dhaceen oo lala sii cararayo cusbitaallada.
Muddo daqiiqada ah ka dib, waxa isla markiiba goobta uu qaraxu ka dhacay gaadhday Ciidamada Bilayska oo isku xeeray goobta uu qaraxu ka dhacay oo la sheegay inay tahay Hotel uu leeyahay ganacsadaha reer Jabuuti ee lagu naanayso MULAC.
Ciidamada Booliska oo markiiba la wareegay gacan ku-haynta goobta isla markaana dadka u diiday inay tagaan goobta, ayaa sababay inaan wax war oo intaas dhaafsiisan laga helo, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinac hay’adaha Ammaanka ee dawladda Jabuuti.
Sidoo kale, ma jiro cid sheegatay masuuliyadda qaraxyada, halka sidoo kale aanay jirin warar xaqiijinaya inay ahaayeen qaraxyo ay fuliyeen kooxaha Xag-jirka ah.
Dalka Djibouti ayaa ka mid ah waddamada Ciidamada Nabad-ilaalintu ka joogaan dalka Soomaaliya, waxaana sannadkii hore ku biiray Hawl-galka AMISOM ee Soomaaliya boqolaal ka mid ah ciidamada Jabuuti.
Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhawr jeer ku cel-celiyay inay dagaal adag la gelayaan Al-shabaab oo iyaduna ku hanjabtay inay weerari doonaan waddamada ciidamada AMISOM ku mideysan.
Dalka Jabuuti, ayaa ka mid ah waddamada saldhigyada Miltari dhulkooda ka siiyey Ciidamada Maraykanka oo ay kaga joogaan boqolaal ka mid ah, iyada oo saldhiggaasi yahay xarunta laga maamulo ciidamada USA ee ka hawl-gala Beriga Afrika.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhawr ka hor socdaal ku tagay dalka Maraykanka, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha USA Barack Obama.
Qaraxyada caawa gil-gilay magaalada Djibouti, ayaa ku soo beegmay iyada oo maanta magaalada Muqdisho ee dalkaasi Soomaaliya weerar is-miidaamin ah lagu bartilmaameedsaday xarunta Baarlamanka dalkaasi, waxaana qaraxyadaas ka dhashay khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac, waxaana qaraxyadaas masuuliyaddeeda sheegatay kooxda al-Shabaab ee ka dagaalanka dalkaasi Soomaaliya.
XIGASHO: Somalilandpost