Hargeysa (CodkaHargeysa)- Guddoomiyaha xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan Ku xigeenkiisa koowaad, Xoghayaha Guud ee KULMIYE iyo Guddoomiyaha Golaha dhexe ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta xisbigaasi waxay ku sheegeen inaanay aqbalaynin oo ay sharci darro tahay liisaskii Guddida fulinta Iyo Golaha dhexe ee ay xalay shaaciyeen Guddigii shirweynihii saddexaad.
Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sharci darro ku tilmaamay liisaska golaha dhexe iyo guddida fulinta ee ay soo saareen shir-gudoonkii shirweynihii saddexaad. Waxaanu xusay inuu isagu xaq u leeyahay inuu magacaabo Guddida fulinta.
Guddoomiye Muuse waxa uu ku dooday in shaqada shirgudoonkii shirweynuhu aanay wax shaqo ah ku lahayn shaacinta Golaha dhexe iyo Guddida fulinta xisbiga.
Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay sharciga lala tiigsan doono 7-dii xubnood ee shirgudoonka shirweynihii saddexaad ee xisbiga oo sida uu ku dooday ku tallaabsaday shaqo sharci darro ah oo aanay jirin cid u igmatay.
Sidoo kale waxa iyaguna shirkaasi jaraa’id ka hadlay oo si adag u cambaareeyay go’aankii shirgudoonkii shirweynaha Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Guddoomiyihii Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac ismaaciil Cigge (Shabeel) oo isagu si ku meel gaadh ah u sii haya xilka gudoomiyenimadda golaha dhexe maadaama oo aan wali la dooran gudoomiyihii Golaha dhexe.
Hadalka ka soo baxay hoggaanka Xisbiga Kulmiye, ayaa soo noolaynaya khilaaf huursanaa oo ka dhexjiray xisbiga gudihiisa iyo wada-shaqayntii ka dhaxaysay Xukuumadda oo loo aanaynayo inay maroorsatay xulashada xubnaha golaha Dhexe ee Xisbiga.
CodkaHargeysa.com
info@codkahargeysa.com