Xoghayaha SOLJA oo baaq u diray Madaxweynaha, si adag u cambaareeyey Xadhigga Masuuliyiinta Haatuf

0
316

Gabiley (CodkaHargeysa)- Xoghayaha Guud ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA  Md. Maxamed rashiid Muxumed Faarax, ayaa canbaareeyay  xadhigga Rumaanka ah ee maxkamadda gobolka Maroodijeex xabsiga ku dhigtay guddoomiyaha iyo tifaftiraha wargeyska HAATUF Yuusuf Cabdi  Gaboobe iyo Axmed Cali Cige.

maxamed-rashiid muxumed xasanXoghayaha SOLJA waxa uu madaxweynaha   Somaliland in uu si dhakhso ah xoriyadoodii ugu soo celiyo labadaasi weriye ee xidhan, isaga oo tilmaamay in xadhiga suxufiyiintaasi iyo sidoo kale xarumaha laga xidhay in uu ku calaamadsan yahay madaxweynaha, isla markaana aanay iyagu suxufiyiin ahaan cid kale u daba fadhiisanaynin arrintaasi.

Maxamed rashiid Muxumed Faarax oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Gabiley ka dib markii ay isaga iyo xubno kale oo weriyeyaal ahi xabsiga magaaladda Gabiley ku booqdeen Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige, waxa uu madaxweynaha Somaliland u soo jeediyay in arrinta labadaasi suxufi loo marayo, laguna dabaqo xeerka saxaafadda Somaliland ee xeer NO.Lr 27/2004.

Isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Aniga oo ah xoghayaha guud ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA,  aniga oo in badan muddo ah fasax ku maqnaa, waxaan doonayaa in aan ka hadlo arrinta lagula kacay Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ah guddoomiyaha wargeyska HAATUF  iyo Axmed Cali Cigge, oo ah tifaftiraha wargeyskaasi,   marka hore waxaan halkan ka canbaaraynayaa xadhiga khaladka ah ee rumaanka loogu soo diray Yuusuf Cabdi Gaboobe, haddiiba la yidhi Yuusuf Cabdi Gaboobe wuu caytamay ama wuu hadlay, sababta Axmed Cali Cigge oo ah tifaftiraha wargeyska isna  loo raaciyay,   anigu waxaan u qabaa qorshe  la sii sameeyay, oo loogu tallo galay  in labadoodaba lagu xidho”.

Waxaanu intaasi raaciyay “Waxaan leeyahay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, madaxweyne  dimuqraadiyadda iyo Dastuurku waa ka aad ku tahay madaxweynaha,  xoriyadoodii u soo celi  labadan weriye ee xidhan, labadan meheradood ee xidhana faraha ka qaad, waayo waxani adiga ayay ku raacayaan adiga ayaana ku calaamadsan,  walaa guddoomiye maxkamadeed ayaanaan anagu haysan, walaa wasiir ayaanaan haysan, walaa qof kale oo awood badan leh ayaanaan haysan, dalkan adiga ayaa laguu doortay, dimuqraadiyadda haddii aad ilaalin waydo, Dastuurku waa ka aad madaxweynaha ku tahay,  oo cad ayaad ku fadhiisatay Far lagu codeeyay, markaa xeerkii Saxaafadda ee  27/2004  haddii aad ku dabaqi waydo” ayuu yidhi Md. Maxamed rashiid Muxumed Faarax.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay Xoghayaha guud  SOLJA,  xeer saxaafadeed cusub  oo uu sheegay in ay  wadaan xildhibaano ka tirsan golaha Wakiiladda, waxaanu sheegay in  xeerkaasi uu yahay mid aanay saxaafad ahaan waxba ka khusaynin,  isla markaana aan lagu dhaqi Karin ama lagu maamuli Karin. Waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan doonayaa in aan ka hadlo qoladda tidhi xeer ayaanu Saxaafadda u samaynaynaa ee uu xildhibaan Xasan Cawaale ka midka yahay, Xasan Cawaale muu ogayn Afar cisho ka hor ama Shan cisho ka hor  in uu xeer jiro iyo in kaleba, hadana xeer ayaan samaynayaa ayuu leeyahay,  annaga (Saxaafadda) xeer nooma samayn karo, cida uu ku dhaqayaana isaga ayay u taalaa,” ayuu yidhi Xoghaye Maxamed-Rashiid.

codkahargeysa.com