Sida lagu sheegay cilmi-baadhis cusub oo la sameeyey, raggu waxa ay kaga wanaagsan yihiin dumarka inay ogaan karaan haddiiba lammaanihiisu isku dayo inuu khiyaamo isaga oo xidhiidh la samaynayo qof kale. Waxa kale oo uga dhowyihiin inay ka shakiyaan wax aan jirin. Sidoo kale, saynisyahannadu waxa ay ogaadeen in raggu ay awoodeen inay markiiba ogaadaan beenta ay u sheegaan lammaanayaashoodu marka loo eego inta ay dumarka ogaan karaan.
Dhanka kale, daraasaddu waxa ay sheegtay in dumarku ku wanaagsan yihiin qarshada xidhiidh ay la yeeshaan qof kale. Saynisyahannada daraasadda samaynayey waxa ay u cuskadeen xaqiijinta baadhitaankooda iyaga oo cilmi-baadhistooda ka qayb-galiyey 203 lammaane oo da’ yar iyaga oo mid kasta oo ka mid ah waydiinaya su’aalo la xidhiidha sida ay ugu kalsoon yihiin lammaanahooda, haddiiba ay ka shakiyeen in lammaanihiisu khiyaameeyey.
Natiijadii baadhitaankan, ku dhawaad 29% ka mid ah raggu waxa ay sheegeen inay khiyaameen dumarkooda marka la barbar dhigo 18.5% dumarka qirtay. Waxa muuqata in raggu ku wanaagsanaayeen run ka sheegista daacadnimada . Waxa sax noqtay 80% wixii ay sheegteen dumarku, laakiin raggu taas way kaga wanaaganayeen iyada 94% xaqiijintooda ay sax noqotay.
Waxa kale oo la sheegya in 75% raggii daraasadda ka qayb-qaatay ay ogaadeen in dumarkoodu khiyaameeyaan halka 41% dumarka ahi ay ka ogaadeen daacad-darrada raggooda. Si kastaba ha ahaatee, waxa taas u dheeraa in ragga qaar ay iska shakiyeen iyada oo aanay waxba jirin. Sababta tan gaar u yeeshay dumarka ayaa ah inay ku wanaagsan yihiin qarinta xidhiidh ay la leeyihiin qof kale.
Dumarkii daraasadda ka qayb-qaatay 10% waxa ay sameeyeen khiyaamo marka loo eego 18.5% intii ka qiratay.