“Musuq-maasuqa iyo qabyaaladdu si wanaagsan ayay saaxiib u yihiin oo way isku shushubtaan. Qofka Qabiiliga ah waxa lagu gartaa….”

0
328

Oslo (CodkaHargeysa)- Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Aqoonyahanka Qurbejoogga ah ee Somaliland, ayaa si cilmiyeysan sharraxaad uga bixiyey halista qabyaaladdu ku leedahay nidaamka dawladdeed iyo saamaynta ku-dhaqan-keedu bulshada ku yeelato.

prof samatarProf Axmed Ismaaciil oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey munaasibad ay jaaliyadda Somaliland ee dalka Norway ugu dabbaal-deggeen xuska maalinta qaranimada ee 18-ka May, waxa uu sheegay inay dadweynaha Somaliland u heellan yihiin in la bar waddaniyadda, isaga oo tusaale u soo qaatay xaalado u kala kulmay safar uu sannadkii hore ku maray gobollada dalka iyo xog-warran uu la yeeshay shacabka ku dhaqan deegaamadaas oo uu sheegay inay waddaniyaddu ku beeran tahay balse ay tabayaan ku-dhaqankeeda iyo qodobbada aasaasiga u ah dhammeystirka muwaadinimada oo uu sheegay in dabbaqaaddeedu meesha ka saarayso caqabadaha ku gedaaman dawladnimada iyo nidaamka maamul ee ku salaysan yahay eexda, qabiilaysiga iyo qof-jeclaysiga.

Waxa uu Prof Axmed isbar-bar dhig ku sameeyey saamaynta ay bulshada ku yeeshaan hab-dhaqannada shakhsiga xilka haya ama qof shacabka ah ee rabitaankiisa iyo hab-dhaqankiisu ku saleeya xayn-daabka waddaniyadda iyo dabinka Qabyaaladda.

“Dadku markay u hoggaansamaan qawaaniinta waddanka u yaala, waxay calaamad u tahay Waddaniyadda. Qofka muwaadinka ah astaamihiisa waxa ka mid ah, marka laga yimaaddo danihiisa gaar ah, wuxuu had iyo jeer ka fekeraa danaha Qaranka, haddii xakamahaasi qof ka lumo, wax celinayaa ma jiraan,” ayuu yidhi Prof Axmed Ismaaciil, waxaanu intaas raaciyey, “Qof Caadi ah ama Madaxweyne ha noqdo, Qabyaaladda waa lagu gartaa inaad tahay qof u soo haliila caddaalad-darrada, kitaabkeedii inaad haysato ayay ka dhigan tahay. Waxa qabiilka lagu gartaa inaanu qofku Illaahay ka baqan, bani’aadamka ag-jooga aanu ka xishoonayn ee hungurigiisu hoggaamiyo. Musuq-maasuqa iyo qabyaaladduna si wanaagsan ayay saaxiib u yihiin oo way isku shushubtaan. Qofka Qabiiliga ah waxa lagu gartaa inaanu ixtiraam u lahayn waxa la-wada leeyahay. Waxa kale oo lagu gartaa qofkaa Karti-darro, waayo mar kasta wuxuu ku dhuumanayaa qabyaaladda,” ayuu yidhi Prof Axmed Ismaaciil Samatar.

Codkahargeysa.com

info@codkahargeysa.com