London (SLpost)- Xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ka hadashay sababaha mar kasta masuuliyiinta xukuumadda ku jirta iyo shakhsiyaadka kale ee u dhego-nugul loogu adeegsado inay u jawaabaan xubnaha ay isku beelaha ka soo jeedaan ee inta badan dhaliila siyaasadda iyo hoggaaminta xukuumadda Xisbiga Kulmiye.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo xilligan ku sugan dalka Ingiiriska, ayaa mar uu maanta u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA, waxa uu sheegay inaanay jirin sabab muuqata oo xukuumadda uu ka tirsan yahay u eegto iska difaacista cambaaynaha iyo dhaliilaha mucaaradku u jeediyaan hoggaamintooda.
Wasiirka oo arrimahan su’aal arrintan laga weydiiyey ka jawaabayey, waxa uu yidhi, “Inay isku beegmaan baa laga yaabaa marka kasta in qofkii hadlaba qof reerkooda ah loo doono oo uu ka jawaabo, cidina iskuma hawsho, mana filayo inay wax jira tahay, laakiin way dhici kartaa inay laba isku reer ahi isku jawaabaan marar fara badan, marka qofku dareemayo ee uu ka damqanayo ayaana laga yaabaa inay u-fiirsashadaasi timaaddo.”
xukuumad jeclaysan qaabkii beelaha loogu saleeyay ergooyinkii ka qayb-galay shirweynihii saddexaad ee xisbiga Kulmiye, balse waxa uu ku sababeeyey inay ka mid tahay raadadka weli jira ee qabyaalladdu ku leedahay dhismaha iyo wax-wada-wadaagga nidaamka dawladeed.
Wasiirka waxa kale oo laga weydiiyey waxyaabihii kellifay in xulashada Ergooyinkii shirweynaha Xisbiga Kulmiye lagu saleeyo hab-beeleed, waxaanu yidhi, “Waa run, qabyaaladdu saamayn bay ku lahayd ergooyinkii la xulayay, maaha wax aanu annaguba jeclaysanayno, maaha dariiq wanaagsan oo aanu leenahay waa lagu waarayaa, inteeda badanna kuma ay dhisnayd, waxay ahayd inay gobollada iyo qurbejoogga iyo siyaabo badan oo ay ku iman karayeen, way jirtaa taasi marag baanan kaaga ahay, mana aha wax wanaagsan oo waaraya, laakiin raadadka iyo waxyaabaha ay qabyaaladdu innagaga tagtay ayuunbay ka mid tahay.”
CODKAHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYSA.COM