Madaxweynaha Somaliland oo ballan-qaaday Sii-xoojinta Xidhiidhka dalalka deriska, Beesha Caalamkana ugu baaqay inay tixgeliso rabitaanka Shacabka

0
291

Hargeysa (CodkaHargeysa)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa beesha Caalamka ugu baaqay inay ku tix-geliyo xaqa ay shacabka reer Somaliland go’aanka ay ku gaadheen madax-bannaanida dalkooda. Waxaanu ballan-qaaday inay xukuumaddiisu xoojinayso xidhiidh wada-shaqayneed ee u dhexeeya dalalka Deriska ah.

IMG_0099Madaxweyne Siilaanyo oo maanta khudbad qiime leh ka jeediyey dabbaal-degga munaasibadda 18-ka May ee maalinta madax-bannaanida Somaliland, waxa uu sheegay inay xoojinayaan xidhiidka ka dhexeeya dalalka deriska ah si laysaga kaashado ammaanka iyo deggenaanshaha mandaqadda Geeska Afrika.

“Waxaan ugu baaqayaa waddamada beesha caalamka inta xidhiidhka wada shaqayntu innaga dhaxeeyo iyo inta kaleba in ay tixgeliyaan, isla markaana taageeraan go’aanka iyo aayo ka tashiga shacbiga Somaliland, xaq u leeyahay,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland oo la hadlayey beesha caalamka.

 Madaxweynuhu waxa uu ballan-qaaday inuu xoojinayo xidhiidha dalalka deriska ah, waxaanu yidhi, “Xukumadaydu waxay sii xoojinaysaa wada shaqaynta iyo iskaashiga dalalka deriska ah, si gobolka Geeska Afrika u noqdo mandiqad  nabad-gelyo ah, taas oo ay shucuubtoodu isu soo hiloobaan kana faa’iideystaan fursadaha is weydaarsiga  gacacsi iyo aqooneed. Waxaan mahadnaq iyo bogaadin u dirayaa dalalka nagala shaqeeya dimuqraadiyadda, nabadgelyada iyo iskaashiga dhaqaale.”

Md Siilaanyo waxa uu golaha deegaanka iyo jaaliyadda Somaliland ee magaalada Sheffield ku bogaadiyey tallaabada wax ku-oolka ah ee ay ku taageereen qadiyadda Somaliland, taas oo uu ku tilmaamay inay dhiirri-gelinayso inay beesha caalamka ka badheedho Aqoonsiga Somaliland.

“Waxaan u mahad-naqayaa xildhibaannada Sheffield Council oo Somaliland garab istaagay isla markaana aqoonsaday madaxbannaanida Jamuuriyadda Somaliland. Waa bilow horseed u noqonaya helidda  aqoonsi caalami ah.  Waxaan iyana la ilaawi karin   jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Sheffield iyo guud ahaan dalka UK oo gacan wayn hawshaas ka gaystay. Hore ayaa loo yidhi kun talaabo waxay ka bilaabmaan hal talaabo ee waxaa inaga reeban nugayl iyo niyad jab,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Codkahargeysa.com

info@codkahargeysa.com