Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Caasimadda oo Caawa ku Geeriyooday Cusbitaalka Edna Aadan ee magaalada Hargeysa

0
366

Hargeysa (CodkaHargeysa)- Alle ha u naxariiste waxa caawa Cusbitaalka Edna Aadan ee magaalada Hargeysa ku geeriyooday Xildhibaan Deeq Ducaale Cismaan oo ka mid ahaa Mudanayaasha Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa.

xildhibaanMarxuumka ayaa dhowrkii maalmood ee u dambeeyeyba xaalad caafimaad u yaallay cusbitaalka Edna Adan Maternity Hospital.

Alle ha u naxariiste Marxuum Deeq Ducaale ayaa ka mid ahaa Afar Xildhibaan oo Urur-Siyaasadeedkii Doorashada Deegaanka ku hadhay ee XAQSOOR uga soo baxay magaalo-madaxda Somaliland eeHargeysa.

Marxuumka ayaa maalinta berri oo ah oo ku beegan Xuska 18 May lagu aasi doona Magaalada Hargeysa, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan ehelka Marxuum.

Haddaanu nahay Bahda Shabakadda Wararka CodkaHargeysa.com, waxa aanu tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyskii, eheladii,qaraabadii, Golaha Deegaanka Hargeysa iyo guud ahaan shacbiga uu ka baxay Marxuumku.

CODKAHARGEYSA.COM

INFO@CODKAHARGEYSA