Madaxweynaha Soomaaliya iyo Odayaasha Dhaqanku maxay iska yidhaahdeen Odayaasha Somaliland ku sugan iyo Natiijada Kooxda Muqdisho ku laabtay?

0
335

Muqdisho (CodkaHargeysa)-  Golaha Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya ee soo dhisay dawladda Federaalka ah, ayaa markii ugu horreysay shalay si rasmi ah ula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya muddo laba sano ah ka dib dhismihii federaalka, waxaana kulanka Madaxweynaha iyo Odayaasha dhex-maray ku soo beegmay ka dib markii ay magaalada Muqdisho dib ugu laabteen qaar ka tirsan Madax-dhaqameed Soomaaliya ka yimi oo Arbacadii hore soo gaadhay magaalada Hargeysa oo ay kulammo kala duwan kula yeesheen Madaxda Dhaqanka, Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Ururrada Bulshada Somaliland.

muqdishoOdayaasha Dhaqanka Soomaaliya ee Somaliland booqashada ku yimi Arbacadii hore, ayaa qayb ka ah Golaha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, Golahaas oo ka kooban 135 Oday Dhaqameed, waxaana la sheegay kulankaas ay shalay wada yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Odayaasha Dhaqanka oo intii uu socday aan Warbaahinta loo oggolaan in lagaga wadahadlay qodobbo kala duwan oo door ah, kuwaasoo la filayo inay ka mid yihiin warbixinta Odayaasha ka noqday Hargeysa ay Golaha Odayaasha siiyeen.

Kulankaas oo ahaa Casuumad qado ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u fidiyey Golaha Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya, ayaa ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxaana kulanka Odayaasha iyo Madaxweynuhu yeesheen qaatay wakhti saacado ah, ka dibna Madaxtooyada ayaa Warkooban ka soo saartay, hase-yeeshee qaar ka mid ah Odayaasha ayaa iyaguna ka hadlay waxyaabaha ay Madaxweynaha ka wadahadleen oo ay sheegeen inay isla soo qaadeen qodobbo badan oo ku saabsan guud ahaanba xaaladda dalka, arrimaha siyaasadda, horumarinta, xidhiidhka dalalka jaarka iyo kuwa caalamka iyo waxyaabo kale oo muhiim ah.

“Madaxweynaha ayaa Odayaasha u sheegay iney iska soo xulaan Guddi loo tabobbaro xallinta khilaafaadka iyo heshiisiinta bulshada, kaaso aqoon iyo khibrad ka soo qaadan doona qaabkii loo xalliyay xasuuqii ka dhacay waddammo ka mid ah Afrika. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kala hadlay Odayaasha arrimo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen dhismaha aqalka sare (Gole Guurti), wuxuuna tilmaamay in arrintaas uu u gudbin doono Guddoonka Baarlamanka.” Sidaa ayaa lagu yidhi War kooban oo kulanka Odayaasha iyo Madaxweynaha dhex-maray markii uu dhammaaday laga soo saaray Madaxtooyada Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Madaxweynaha la kulmay oo Warbaahintu wax ka weydiisay waxay ka wadahadleen Madaxweynaha, ayaa iyaga laftoodu ka war-wareegay inay saraan badi qodobbada ay ka wadahadleen, hase-yeeshee, waxay sheegeen inay ka wadahadleen qodobbo aanay muhiim ahayn in warbaahinta loo gudbiyo oo aanay isku ogeyn baahintooda, balse waxay xuseen inay iska soo xuli doonaan Guddi tabobbarro ku soo qaadata waddamada Ruwanda, Uganda iyo dalal kale oo aanay carrabka ku dhufan oo la filayo inay Somaliland ka mid noqon doonto. Waxa la tibaaxay qodobbada ay Madaxweynaha iyo Odayaashu ka wadahadleen in Safarka Odayaasha dhaqanka ee Somaliland ka mid yahay iyo weliba waxyaabaha ay intooda dib ugu noqday Muqdisho ku arkeen ama kala kulmeen Somaliland.

Kulankaas uu shalay Madaxweynaha Soomaaliya ugu yeedhay Odayaasha Dhaqanka, ayaa ku soo beegmay laba maalmood ka dib markii ay labaataneeyo ka tirsan Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya ee Somaliland yimi Arbacadii hore una badan intii ka socotay Beelaha Hawiye ay dib ugu laabteen magaalada Muqdisho oo ay markii hore ka soo ambabaxeen, ka dib markii ay kulammo la qaateen Odayaasha Dhaqanka, Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland.

Dhinacyada ay Odayaasha Dhaqanka ee Soomaaliya ka yimi la kulmeen, ayaa guud ahaan u muujiyey sida ay reer Somaliland uga go’an yihiin hirgelinta gooni-isu-taaggooda 23-jirsaday iyo helitaanka aqoonsi buuxa oo ay ka sugayaan Soomaaliya iyo guud ahaan dawladaha kale ee caalamka. Waxaanu sidoo kale ku soo beegmay kulankani wakhti ay Xildhibaanno boqol ka badan oo Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsani Madaxweyne Xasan Sheekh ka dalbadeen inuu is-casilo, iyagoo ku eedeeyey inuu ku fashilmay hoggaaminta dalka Soomaaliya.

CODKAHARGEYSA.COM