Frankfurt (CodkaHargeysa)- Nin Soomaali ah oo qaabilaad magan-gelyo doon ah ka sugayey dawladda Jarmalka, ayaa dhaawac ka soo gaadhay ka dib markii uu iska tuuray gaadhi loogu qaaday Madaarka magaaladaas maanta oo laga saarayey diyaarad si looga mastaafuriyo dalkaas.
Afhayeen u hadlay booliiska magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka, ayaa sheegay in ninkan Soomaaliga ah iska tuuray gaadhi ciidanka booliisku ku geynayeen Madaarka magaaladaas oo laga saarayey diyaarad u qaadda dalka Talyaaniga oo faraha lagaga qaaday markii uu galay qaaradda Yurub.
In kasta oo aanu sarkaalkani sheegin Xawliga gaadhigu ku socday, haddana sida uu baahiyey wargeys ka soo baxa dalkaasi, gaadhiga ayaa ku socday xawaare dhan 100KM/saacaddii, isla markaana ay dhaawacyo halis ahi ka soo gaadheen ninka Soomaaliga ah oo aan magaciisa la shaacin.
Afhayeenka booliiska ayaan xaqiijin inuu gacmaha ka xidhnaa wakhtigii ninkani iska tuuray gaadhiga, balse warka wargeysku qoray ayaa lagu sheegay inaanu gacmaha ka xidhnayn wakhtiga uu ninkani iska tuuray gaadhiga.
Dalka Jarmalka oo ka mid ah waddamada ugu dhaaqalaha badan qaaradda Yurub, waxa ka jira Xeryo Qaxoonti ah oo ay ku jiraan dad Soomaali ah oo iska dhiibay dalkaas, kuwaas oo ka hor intii aanay gelin dalkaasi muddo ku noolaa dalka Talyaaniga oo faraha lagaga qaaday.
Waddamada Yurub, ayaa sharcigoodu yahay in qofka magan-gelyo doonka ah ee Faruhu ku yaallaan dib loogu celiyo dalkii ugu horreyey ee Faraha lagaga qaaday, kaas oo inta badan noqda Talyaaniga iyo Malta oo ah kedinka ay muhaajiriinta magan-gelyo doonka ahi ka galaan qaaradda Yurub.
Codkahargeysa.com,
Franfurt,
Germany