Hargeysa: Dhakhaatiir iyo Kal-kaalisooyin Caafimaad oo Takhasusaad Gaar ah loogu Diray Dalka dibaddiisa

0
302

Hargeysa (CodkaHargeysa)- Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa laba dhakhtar iyo shan kalkaaliye caafimaad u dirtay dalka Tanzania, kuwaas oo ku soo baran doona waxbarasho takhasuskeedu yahay inay noqdaan tababarayaasha Man-hajka Caafimaadka Qaranka (Clinical Officers Curriculum).

caafXubnahan dhakhaatiirta iyo kal-kaaliyayaasha iskugu jira oo maalintii Isniintii ee todobaadkan ka ambabaxay Hargeysa, waxay waxbarashadooda ku qaadan doonaan mac-hadka IFAKARA Institute oo ku yaala dalka Tanzania.

Munaasibad sagootin ah oo xubnahan waxbarashada caafimaadka ah u baxay loogu qabtay huteel Maansoor intii aanay dalka ka dhoofin, waxa ka qaybgalay Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Dr. Cismaan Xussen Warsame, masuuliyiinta waaxyaha wasaaradda, madaxa mashruuca hay’adda THET ee Somaliland Mr. Wario Guchara iyo Maxamuud Yoonis oo ah sarkaal ka tirsan hay’addaasi.

Dr Ciise Cabdi Jaamac oo ah Agaasimaha Cududda Shaqalaha iyo Tababarrada Wasaaradda Caafimaadka oo ka hadlay xafladdaasi, ayaa ka warbixiyey muhiiimada uu dalka u leeyahay man-hajka caafimaadku oo uu xusay in Wasaaradda Caafimaadku ku soo kordhisay barashada caafimaadka sannadkan 2014, kaas oo laga fulin doono kulliyadda caafimaadka Jaamacadda Burco, isla markaana afar dhakhtar iyo sadex kalkaalaiye oo hadda loo soo tababarayaa noqon doonaan kuwa sii gudbiya waxbarashada ay soo bartaan.

Madaxa mashruuca hay’adda THET ee Somaliland Wario Guchara oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa tilmaamay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray hirgelinta man-hajkani oo marar fara badan hirgelintiisu adkaatay. Waxa kale oo uu si adag ula sii dardaarmay dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayaasha caafimaad ee tababarka u baxay oo uu sheegay in muddo bil kadib ah ay kormeer ugu tagi doonaan dalka Tanzania saraakiil ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo hay’adda THET.

Ugu danbayn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimadka Somaliland Dr. Cismaan Xuseen Warsame, ayaa ka warramay baahida loo qabay man-hajkan caafimaadka oo ka hirgali doona kulliyada Caafimaadka Jaamacadda Burco, iyadoo mustaqbalkana ay ka hawlgali doonaan gobollada Somaliland, gaar ahaan meelaha aan la gaadhi karin ee uu ka hirgalay mashruuca xidhmooyinka caafimaadka(EPHS).

Dr. Cismaan waxa uu kula dardaarmay xirfadlayaasha tababarka u baxay inay ka midho-dhaliyaan waxbarashada loo diray. Waxa kale oo uu ku dheeraaday dadaalka Wasaaradda Caafimadku ka wado horumarinta cududda shaqaalaha, isagoo u mahadnaqay hay’adda THET iyo DFID oo kala shaqeeyay Wasaaradda kor-u-qaadista adeegyada iyo Xarumaha Caafimaad ee Dalka.

Codkahargeysa.com

info@codkahargeysa.com