Hargeysa (CodkaHargeysa)- Xildhibaan Siciid Xaaji Axmed Cali Faarax ( Afqallooc ) ayaa maxkamada Gobolka Hargeysa ugu dhaarisay inuu ka mid noqdo xildhibaanada golaha deeganka Hargeysa maanta.
Xildhibaankan cusub ayaa buuxiyey kursigii uu iska casilay Mustafe Cismaan Daahir oo markii hore ku soo baxay doorashadii gooleyaasha deegaanka, kaas oo xukun dil ahi ku dhacay ka dib markii uu magaalada Hargeysa ku dilay qof shacab ah sannadkii hore, waxaanay labadooduba ka soo wada-jeedaan ururkii UMMADDA ee ku hadhay doorashadii deegaanka.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Faysal Cabdillaahi (Dhego-dhego) oo isagu xafiiskiisa ku dhaariyey xildhibaanka, waxaanna Xildhibaan Siciid Xaaji Axmed uu sheegay inuu ku faraxsanahay xilka uu qabtay.
“Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ka mid noqdo xildhibaanada Golaha deeganka Hargeysa oo aan hore ugu tartamay, kursiguna wuxuu yimaadaa marka Ilaahay qadaro, waxaanan ballanqaadayaa inaan xaqiijiyo hadafka dadkii i doortay,” ayuu yidhi xildhibaan Siciid Xaaji Axmed (Af-qallooc) oo warbaahinta kula hadlay xarunta Maxkamadda gobolka Hargeysa ka dib markii la dhaariyey.
CODKAHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYSA.COM