Hargeysa (CodkaHargeysa)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay Aqoonyahanka iyo wax-garadka Qurbejoogta ah ee ka soo jeeda gobolka Awdal.
Aqoonyahanka iyo wax-garadka Qurbejoogta Awdal oo dhowaanahanba dalka ku sugnaa, ayaa kulanka ay maanta la qaateen madaxda dalka ugu sarreysa, waxa ay ugu gudbiyeen qoraal xambaarsan bogaadin iyo hambalyo la xidhiidha nidaamka hoggaamineed ee ay ku daadihinayaan siyaasadda gudaha iyo dibadda ee dalka.
Sida lagu sheegay war-murtiyeed kooban oo laga soo saaray kulanka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu la yeesheen qurbejoogta Awdal, waxa ay ku bogaadiyeen heerka gaadhsiiyeen horumarka ka jira dalka, waxaanay sheegeen waxqabadkaasi inuu yahay mid ugu hiilinaya hiigsiga qaran iyo ka midho-dhalinta u jeedooyinka sii adkaynaya gaadhitidaanka yool dhamaystiran oo sii xoojinaya miisaanka qaranku bulshada caalamka ku leeyahay.
“Run ahaantii haddaanu nahay aqoonyahanka iyo wax-garadka gobolka Awdal ee degan Woqooyiga Ameerika (Maraykanka iyo Canada), waxaanu si dhow ula soconaa tallaabooyinka is-daba joogga ah ee dhinaca horumarka u socda ee xukumad ahaan aad qaadeen, waxaanu aad ugu faraxsanahay in horukacaasi uu raad ku yeeshay siyaasadda Arrimaha Dibada iyo tan gudahaba, waxaana xusid mudan isbeddelladaasi in ay yihiin qaar taabtay bulshada reer Somaliland oo dhan, kuwaasi oo ay ugu muhiimsan yihiin waddooyinka, waxbarashada, caafimaadka, Amniga gudaha, arrimaha dibada, miisaaniyada iyo waliba qaar kaloo badani,” ayaa ka mid ahaa qoraalka ay qurbejoogta gobolka Awdal u gudbiyeen madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, sida lagu xusay war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada.
Warku waxa uu intaas ku daray inay ku bogaadiyeen madaxweynaha socdaalkii dheeraa ee xeebaha uu ku soo maray dhowaan, “Waxa uu dhiiri-gelinayay wax-qabadka adeegyada bulshada waana kuwo markhaati cad ka bixinaya sida aad u gudateen waajibaadkii iyo amaanadii ummada aad u hayseen,” ayay qoraalkooda ku sheegeen.
Qurbe-joogta reer Awdal waxa ay ballan-qaadeen inay ka qayb-qaadanayaan doorkooda ka wejahan horumarinta dalka. “Waxa naga go’an in kaalintayada annagoo isku duuban aanu qaadano, idinkuna barbar istaagno dhismaha qaranka iyo horumarintiisa, waanu idinku hambalyaynaynaa horumarka marba marka ka danbaysa sii xoogaysanaya, kaasi oo muuqaalka uu bixinayaa ay noqonayso mid uu taageero qarankeenu kaga helayo bulshada caalamka,” ayaa lagu sheegay qoraalka oo madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ay soo gaadhsiiyeen Xaaji Ibraahim Muxumed Aaye iyo Xasan Halas oo wakiil ka ah Qurbjoogta Reer Awdal ee Woqooyiga Maraykanka.
CODKAHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYSA.COM